Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qaraxyada & Saraakiisha Fududeysa

Somalia news

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo maanta ka hadlay xafladda sannad guuradii 79-aad ee aas aaska ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Qaraxyada magaalada ka dhaca soo gudbiyaan saraakiil, taasoo ah xaqiiq dhab ilaa hadda aan talaabo laga qaadin…

Xasan ayaa sheegay in hal iyo labo ay kusoo gali karaan si il-duuf ah, laakin wixii ka badan lagu soo daayo laaluush, wuxuuna xusay in ay socdaan baaritaano lagu soo saarayo Saraakiisha, Askarta iyo Dalaaleyda ku howlan fududeynta gudbinta qaraxyada, Gaadiidka iyo Naftood haligayaasha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Markaa qarax soo deyso, ay dad shacab ah ku baaba’aan, ogoow adiga ayaa dilay dadkaas, kan is qarxiyay ma dilin”, Hadalkaan ayaa laga dheehan karay in baarintaanka qarixii lala beegsaday hotel ku dhex yaala madaxtooyada ay ku lug leeyihiin saraakiil ciidan, kuwaasoo askarta koontaroolada jooga ku amra in ay siidaayaan gawaarida ay rabaan.

232950cookie-checkXasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qaraxyada & Saraakiisha Fududeysa