Dabley Hubeysan Oo Weeraray Saldhigg Boliis

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya Ciidamo ka tirsan Boliiska Puntland ayaa shalay weeraray saldhiga bartamaha magaalada Garoowe, iyagoo weerarkaasi ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan saldhiggaasi…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamadaan weeraray Saldhigga ayaa ku hubeysnaa gaari tikniko ah, waxayna xoog kula baxeen taliyihii hore ee ciidamada rugta dowladda hoose degmada Goroowe oo la xiray markii uu diiday xilka qaadis lagu sameeyay.

Sidoo kale weerar rogaal celis ah ay ku qaadeen Saldhiggaasi Ciidamadaan mar kale ayeey xoog kula baxeen labo askari oo ka tirsanaa saldhiga oo loo xiray ku lug lahaanshaha weerarkii lagula baxay sarkaalka xilka qaadista diiday, Askarta saldhiga Garoowe weeraray ayaa kamid ahaa ciidamo dhawaan lagu soo tababaray xerada Xorgoble ee Qardho.

Taliska Boliiska iyo Maamulka Magaalada Garoowe ee Puntland ayaa ka hadlin falkan, kadib markii xiriiro la la sameeyay si ay uga hadlaan dhacdadaan ay ku talaabsadeen Ciidamada.

113030cookie-checkDabley Hubeysan Oo Weeraray Saldhigg Boliis