IGAD Oo Mashruucsaneysa Khilaafka Siyaasadeed Ee Somalia

Somalia news

Mas’uuliyiinta urur goboleedka IGAD oo soo saaray Qoraal uu ay ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin hindisaha cusub oo tilmaamaya in dib loo bilaabo wada hadaladii Kooxaha Siyaasada Somalia, Bayaankaan ayaa durbadiiba laga keenay qeylo Dhaan iyo eedeyn loo jeediyay Hogaanka Ururka IGAD oo Ethiopia xiligaan Maamulka u heysa….

Gudoomiye Kuxigeenka Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari ayaa dhaliilay Qoraalka ay soo saareen Ururka IGAD, wuxuuna sheegay “Markii aan akhriyay Qoraalka war-saxaafadeedka Kooxda loo yaqaano IGAD, oo aan marnaba soo Hadal qaadin wax ku saabsan Doorasho iyo heshiiskii 17-kii September, waxaan gartay in Hogaanka Ururkaan uusan ku saf aheyn Wakiilada Beesha Caalamka”.

Hadaba bayaanka IGAD oo u muuqda mid u adeegaya inuu cimri dherar u sameeyo mudo korodhsigii Farmaajo samaystay 12-kii bishaan ayaan meelnaba kaga hadal heshiiska 17 September ee saldhiga u ahaa wadahadaladii ku saabsanaa doorashada Somalia iyo sidii loo xalili lahaa qodobada la isku khilaafsanyahay ee carqaladaynaya inu doorashadu qabsoonto.

113060cookie-checkIGAD Oo Mashruucsaneysa Khilaafka Siyaasadeed Ee Somalia