Wararkii Ugu dambeeyay Ee Kooxaha Xil Raadinta Jagada Wasiirka 1-aad

Somalia news

Warixino hordhac ah oo laga soo gaarisyay warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo ay ku adkaatay inuu helo Xubin isaga daacad y ah kana soo jeeda Beelaha Hiraabka, kaasoo aan khatar gelin karin damiciisa dib u doorshada Xilka Madaxtinimada Somalia ee horaanta sanadka 2021….

Xogahaan ayaa tilmaamaya in Adeege Fahad yasin uu in muddo ah u ololeynaayay Mr.Cabdirkamiin Guuleed inuu loo magacaabo xilka wasiirka 1-aad muddo yar ee u harsan maamulka Farmaajo, waxaana la sheegay in shuruudo badan uu ku xiray inuu qabto jagadaasi, oo ay ka mid ah in marka hore la meel mariyo muddo kordhin sanad ah, si uu wakhti ugu helo, waxaana la sheegay inuu iska diiday inuu xilka qabto bilaha u harsan Mr.Farmaajo.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gudigga Doorashada Madaxda banaan Mrs.Xaliimo Yareey laga codsaday iney Cv-da geyso Xafiiska Villa Somalia si ay uga mid noqoto xubnaha Xusul duubka ugu jira iney Xilka Wasiirka 1-aad qabtaan, iyadoo la sheegay iney u gudbisay.

60500cookie-checkWararkii Ugu dambeeyay Ee Kooxaha Xil Raadinta Jagada Wasiirka 1-aad