Kadib markii shalay Dowladda Kenya ay ku soo rogtay xayiraad 3-bilood ah diyaaradaha Rakaabka qaada ayaa waxaa soo shaac baxaaya dhibaatada ay Dadka Socotada Ee Magaalada Muqdisho ka baxaaya kuwaasoo saameyn ku yeeshay dagaalka Ganacsi ee Reer Farmaajo…
Socotada Mogadishu (Kala Wareeg) ayaa marka hore tagaaya Adiss-ababa, kadibna Nairobi usii gudbaya ee isticmaalaya diyaarada Ethiopia airlines waana iney bixiyaan Lacag dhan 750-US$, Waa lacag udhiganta inta loogu kala dhoofo Yurub to Africa, America to Africa Dubai To Africa, Istanbul To Africa.
Xasuusnoow Muwaadinow waa laba Dal oo daris ah ku darsoo Nairobi iyo Muqdisho waa isaga dhow yihiin Adis-ababa iyo Muqdisho, Shacbiga Soomaaliyeed intaas oo dhibaato ah Waxaa u soo jiiday hogaamiye kooxeedka (Farmaajo) oo danaha Ganacsi Ee Walaalkiis u baa’binayaa una soo shaqa tagay.
Ku darsoo Dowladda Kenya ayaa fasaxday Duulimaadyada Kenya Airways ay ku tegi doonto Magaalada Hargeysa, iyadoo Dagaalka u dhaxeeya Qoyska Farmaajo iyo Kan Uhuruu uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, iyadoo dhibaatada ka dhalatay ay saameyn ku yeelan doonto Shacbiga Soomaaliyeed.(Dalkaan Ceelna uma qodna cidna uma maqna)