Ma Dhabaa in Horgalada Shababka ay ku Amreen Milkiilayaasha Gaadiidka Xamuulka ineysan u Qaadin Badeeco…

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in kadib amarkii go’doomintii kooxda argagixisada Shabaabka ku soo rogeen magaalada Baydhabo isla markaasna la qaatay in la fuliyo Amarkooda ayaa waxaa soo shaac baxaaya in sidoo kale amaro ku soo rogeen Milkiilayaasha Gaadiidka Xamuulka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Horgalada kooxda argagixisada Shabaabka ay amar ku siiyeen Milkiilayaasha gadiidka Baydhabo aadi jiray oo ka bixi jiray magaalada Muqdisho aysan Badeecado ka qaadi karin Mogadishu ilaa amar dambe amarkaasoo dhaqan galay.

Bosteejooyinka Gaadiidka Xamuulka ee magaalada  Muqdisho ee Gadiidka Baydhabo aadi jiray ay labadii maalin ee la soo dhaafay aheyd mid hawaanaysa oo aan joogin wax gadiid ah, Talaabadaan ayaa sidoo kale waxey saameyn ku yeelayay, Dadka Rayidka ah ee ku safri jiray dhulka kuwaasoo aan awoodin in diyaaradaha ay raacaan.

266680cookie-checkMa Dhabaa in Horgalada Shababka ay ku Amreen Milkiilayaasha Gaadiidka Xamuulka ineysan u Qaadin Badeeco…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com