Dalalka “Quint Partners” ee Taageera Somalia oo ku baaqey in laga wada qaybqaato dhamaystirka Dastuurka..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan ay magaalada London ku yeesheen Wakiilo ka kala socda dalalka Shanta ah ee Qatar, Turkiga, UAE, UK, USA iyo Somalia, kaasoo ugu soo dhamaadey maalintii Talaadada magaalada London shirka 6-aad ee “Quint Partners” ee Somalia, looga hadlay arrimaha Gobolka iyo isku xirka taageerada…

Dalalkaan ayaa kulankooda ku xusay xiisadaha Gobolka Geeska Afrika ka socda, waxayna ku baaqeen in la dejiyo oo la wada hadlo, Waxeyna xaqiijiyeen iney garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo Midnimadeed dhuleed, iyagoo diirada ku saarey geeddi-socodka dib-u-habaynta Dastuurka Dalka, Dalalka taageera Dowladda Federaalka ayeey waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Dhinaca Amniga, Saaxiibadu waxay xaqiijiyeen inay taageerayaan hammiga Dowladda Federaalka ee ah inay kordhiyaan xasilloonida, Waxa ay ku heshiiyeen in la iska kaashado horumarinta laamaha amniga Dalka, oo ay ku jirto xog wadaag, kaalmo tababar oo la jaan qaadaya Qorshaha Horumarinta Amniga ee uu soo bandhigay Madaxweynaha Dowlada Federaalka.

Kor u qaadida wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda federaalka iyo dawlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa loo arkay inay muhiim u tahay guusha hawlgalka cusub, Quint Partners ayaa isku raacay inay dib isugu yimaadaan kulankoodii toddobaad ee Washington ka dhici doona sanadkan gudihiisa.

324800cookie-checkDalalka “Quint Partners” ee Taageera Somalia oo ku baaqey in laga wada qaybqaato dhamaystirka Dastuurka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *