Xubno Shabab Ah Oo Ka Baxsaday Xarunta Wasaarada Gaashandhigga

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen gudaha Xarunta Wasaarada Gaashandhigga Ee Dowladda Federaalka Ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan kuwa Danab iyo Mareykanka, si loo soo qabto Saraakiil laba kaarle ah…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in maalintii Sabtidii ay Howlgal kedis ah ka fuliyeen gudaha Xarunta Wasaarada Gaashandhigga Ciidamo isku dhaf ah, waxaana qorshahoodu ahaa iney soo qabtaan Saraakiil (4-xubnood) oo derejo dhexe laga kana howlgalaayay Hogaamada Ciidamada ee Xarunta Wasaarada kuwaasoo lagu eedeeyay iney u shaqeeyaan Kooxda Shababka isla markaasna u gudbiyaan macluumaad sirta ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xubnahaan Saraakiisha ah ay ku guda jireen iney Howlgal (Camaliyaad) istishaadi ah ka diyaarinaayeen gudaha Wasaaradda, iyadoo la sheegay in Qorshahaan uu soo gaaray heerkii ugu dambeeyay, inkastoo la fashiliyay Qorshahooda, waxaana la sheegay in 4-at Sarkaal ay ka baxsadeen Ciidamadii kadib markii ay gacan ka heleen koox kale oo Xarunta ku sugan oo aan la magacaabin.

Dhanka kale, Waxaa la xaqiijiyay in Adeege Fahad Yasin uu dhaqaale u adeegsaday sidii uu u kala jabin lahaa Xoogaga Hubeysan Ee Mucaaradka ku ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabelle Mr.Cali Guudlaawe, iyadoo la sheegay in dhowaan uu Fahad Safar qarsoodi ah ku tegi doono Magaalada B/Weyne si loo oggoleysiiyo kooxdaan in lagu qabto Doorashada Magaalada.

125740cookie-checkXubno Shabab Ah Oo Ka Baxsaday Xarunta Wasaarada Gaashandhigga