Shababka Oo Sheegtay Iney Khaarijiyeen Saraakiil NISA Ka Tirsan

Somalia news

Sida laga soo xigtay war ka soo baxay Kooxda argagixisada Shababka ayeey ku sheegteen in dileen laba Saraakaal oo ka tirsan Hey’adda NISA, kuwaasoo lagu kala dilay xaafad ka tirsan degmooyinka Magaalada Mogadishu iyo degaanka Lafoole Ee Degmada Afgooye….

Waxey sheegeen in Sarkaal ka tirsan Hey’adda NISA magaciisa lagu soo gaabiyay Cagaweyne, lagu dilay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, falkaan ayaa dhacay habeen hore, iyadoo dhagar qabaashii fuliyay falka dilka ah ka baxsadeen goobta, Marxuumka ayaa ka mid ahaa Ciidamada dharcadka Ee ka howlgala Xaafadaha Magaalada Mogadishu.

Sidoo kale waxey Kooxda argagixisadu sheegteen iney dileen Saraakaal kale oo ka tirsan Hey’adda NISA kana howlgalaayay degaanka Lafoole Ee degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada hoose, xiliyadaan ayaa waxaa aad u yaraaday Qaraxyadii gadiidka, inkastoo dilalka qorsheysan ay aad u kordheen.

122400cookie-checkShababka Oo Sheegtay Iney Khaarijiyeen Saraakiil NISA Ka Tirsan