Fadeexad Dul Hoganeysa Hogaanka Wasaarada Kaluumeysiga Puntland

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga hekayaa fadeexad dul hoganeysa Hogaanka Wasaarada Kaluumeysiga ee Puntland, kadib markii la musuqmaasuqay Mashruuc kor u qaadaya nolosha Dadkii ay saameysay duufaantii ku dhufatay Degmada Eyl kal hore, iyadoo loo iibiyay Doomo Casri ah si ay u Kaluumeystaan..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay taageero Doonyo oo ay ku deeqeen Hey’adda FAQ loona qoondeeyay in 33-dii Qofba hal doon la siiyo, iyadoo lagu shaqaaleysiiyay NGO maxali ah (Somali Women Vision) si ay xog uruurin dhab ah uga keenaayay baahiyaha Dadka degaanka, ayaa waxaa qorshahaasi bedelay Wasiirka Kaluumeysiga Agaasimaha guud kana dhigeen in 10-kii Qofba hal doon la siiyo, iyagoo soo qortay Dad cusub.

Arrinta la yaabka leh ayaa noqotay in Xaflad lagu wareejinaayo Doonyaha oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ayeey Saraakiisha Wasaarada ku sheegeen in Dadkaasi lagu wareejiyay doonyaha, Shacbiga Degmada oo ka war helay fadeexadaasi ayaa ku wargeliyay Wasiir kuxigeenka Kaluumeysiga (Cabdikhaaliq Maxamed), kaasoo u cadaatay in 3-doomood la iibsaday iyadoo mid ka mid ah laga iibiyay Ganacsato reer Somaliland ah.

Halka 7-Doomood ay weli yaalasn Dekada Boosaaso kuwaasoo lasheegay in la iibiyay oo gacantii 4-aad ay marayaan, waxaana lagu eedeeyay Wasiirka Wasaarada (Rashiid Maxamed) iyo Agaasimaha guud inuu ka dambeeyo fadeexadaan kuwaasoo laga hor istaagay iney galaan Gudaha Dekeda, kiiskaan ayaa laga cabsi qabaa inuu galaafto mashaatiic kale.

231840cookie-checkFadeexad Dul Hoganeysa Hogaanka Wasaarada Kaluumeysiga Puntland