Dhul-Gariir ka Dhacay Gacanka Cadmeed & Saameyntiisa Degaanada Dalalka Somalia & Yemen..

World

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Dhulgariir cabirkiisu ahaa 5.6 ayaa ka dhacay Gacanka Cadmeed saacadu markay ahayd 10:31 subaxnimo EAT ee December 5-dii, Dhul-gariirkaan ayaa ka dhacay meel 149-KM waqooyi-galbeed kaga beegan Degmada Laas-qorey, Somalia..

Iyadoo dhulgariir laga dareemay degaano kamid ah waqooyi-bari Somalia iyo konfurta Yemen, Hay’adda Sahanka dhul-gariirada ee Maraykanka (USGS) ayaa xaqiijisay cabirka dhulgariirka, waxayna si dhow ula socotaa xaaladda, Inkastoo xadiga dhulgariirka uu sareeyo, haddana qiimeyntii ugu horreysay ee Hey’adu sameysa ayaa tilmaamaya in saameynta ugu yar ee nolosha iyo hantida ay tahay mid hooseys, Sahanka faahfaahsan, gaar ahaan degaanada Waqooyi-Bari iyo Dhulka buuraleyda ee Yemen ayaan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay Dhul-gariirka.

Dhanka Somalia ilaa 900-kun oo Qof ayuu saameeyay, halka Dalka Yemen ilaa 500-kun oo Qof ayaa lagu qiyaasay iney dareemeen Dhul-gariirka, Hey’adda USGS ayaa u kala saartay khatarta burburka dhismayaaha iyo dhaqaalaha mid hooseeya, iyadoo saadaalisay 65% suurtagalnimada midna dhaawac ama dhaawac dhaqaale oo aan ka badnayn 1-million US$.

291340cookie-checkDhul-Gariir ka Dhacay Gacanka Cadmeed & Saameyntiisa Degaanada Dalalka Somalia & Yemen..