Shababka Oo Weerar Dhaba-gal ah Ka Fuliyay Kenya

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar jid-gal ah oo ay Maleeshiyaad daacad u ah Kooxda argagixisada Shababka ka fuliyeen Inta u dhaxeysa Rhamu iyo Banisa, iyadoo basaaskaan la sheegay in lagu weeraray degaanka Kormatto, oo u dhexeeya Olla iyo Serman Ee gudaha Degaanada Waqooyiga Bari Ee Kenya…

Taliyaha Boliiska ee gobolka Waqooyi bari Rono Bunei ayaa sheegay in tiro Maleeshiyaad ah oo weerarka fuliyay ay u baxsadeen kayn u dhow goobta dagaalku ka dhacay, wuxuuna intaasi raaciyay labada Bus Ee la weeraray 11-Qof oo rakaabka ka mid ahaa ay soo gaareen dhaawacyo u badan kuwo halis ah, Waxaa lagu dilay 3-qof oo laba ka mid ahi ay ka tirsanaa teen Ciidamada Boliiska Kenya.

Askarta dhimatay la sheegay iney ka mid ahaayeen 9-xubnood oo Boliis hubeysan kuwaasoo galbinayay Labada bus inta u dhexaysa deegaanada Rhamu iyo Banisa markii ay dagaalka la kulmeen sida ay lagu sheegay war ka soo baxay Boliiska Kenya, Dowladda Kenya ayaa ku fashilantay iney wax ka qabato Xaalada amaan ee Degaanada Waqooyi-bari Kenya.

123690cookie-checkShababka Oo Weerar Dhaba-gal ah Ka Fuliyay Kenya