Xubno Kale Oo Musharixiin ah miyeey raaci Doonaan Wadadii Fahad

Somalia news

Wajigii hore ee Qorshihii taaba gelinta ee Wakiilada Beesha Caalamka oo u muuqda mid hirgalay, iyadoo qaar ka mid ah Xubnihii lagu eedeynaayay iney caqabad ku yihiin geedi socodka Nabada & Doorashada Somalia laga hor istaagay iney Baarlamaanka 11-aad dhex fadhiistaan saameyn ku yeeshaan, halka kuwo kale dhowaan wadadaasi mari doona…

Sida loo sheegay Warsidaha Diinah.com news waxaa si hoose u socda hirgelinta Qorshe lagu xoojinaayo amaanka Ra’iisul wasaaraha & Gudoomiyaha Guddiga Doorashada, iyadoo si weyn loo adkeeyay Amniga Wasiirka 1-aad oo lagu xoojiyay tiro badan Ciidamada Amisom ah iyo 10-Taangi hor leh ilaaladiisa, iyadoo laga maarmay Ciidamada Somalia ee qeybta ka ahaa ilaalinta.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Fadaraalka Muuse,waxaa la dajiyay Hotel Airport Xalane oo amnigiisu waa sugan yahay, saansaanta Dabayshu, waxay u muuqata mid u hiilinaysa Qaranimada Soomaaliyeed soo kabashadiisa, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Xidhibaanada Taageersan Farmaajo iyo kuwa Afduubka loo heystay ay qaadan doonaan Shahaadada & Aqoonsiga.

Dhanka Kale Farmaajo & Fahad oo rajo xumo ka muuqata ayaa xalay la kulmay 8-10 Xildhibaan oo Saraakiisha NISA waxeyna ku wargeliyeen iney qaataan (maanta) Shahaadada & Kaarka Aqoonsiga, iyagoo kula dardaarmay iney xuquuqda Eedeysane Fahad Baarlamaanka dhexdiisa ugu dagaalamaan soo celinta Kursigiisa.

Halka Xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta & Siyaasyin ka soo jeeda Beelaha Hiraabka ay si hoose u bilaabeen dadaalo culeysyo lagu saaraayo Mr.Rooble si uu u fasaxo Kursiga Hop#086, waxaana xubnahaasi ka mid ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed inkastoo uu ku soo dhamaan doono fashil bacdamaa Xubnahaan lagu tiriyo kuwa aad ugu dhow Eedeysane Fahad.

179760cookie-checkXubno Kale Oo Musharixiin ah miyeey raaci Doonaan Wadadii Fahad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com