Gobolka Gedo oo Go’doon Siyaasadeed iyo Gargar la’aan Muddo la Halgamaaya..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gedo ayaa sheegaya in muddo ay ka da’aayeen roobaab mahiigaan ah iyo Wabiga Jubba fatahaad ka geystay Degmooyinka, Doolow, Luuq, Garbahaarey iyo Degmada Baardheere, iyadoo Gurmadka uu gaabis ka yahay…

Wararka ayaa sheegaya in Gobolka Gedo uu noqday kan ugu baaxad weyn ee Roobabka iyo Fatahaadaha ka geysteen, iyadoo lagu eedeeyay Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubbaland iney ka gaabiyeen iney gargaar u fidiyaan Shacbiga dhibaatada ku habsatay, ku darsoo qaaraan ay iska uruuriyeen Jaaliyadaha Gobolka oo Doonyo lagu soo iibiyay ayaan weli gaaran Gobolka.

Waxaa howlgab noqday Buundooyinkii Degmooyinka Doolow, Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere, Gobolkaan oo muddo ku dhow 2-sano siyaasad ahaan u go’doonsan ayaa waayay garaam u qalma dhibaatada ku habsatay 4-Todobaad ee u dambeysay, waxaana lagu sifeeyay Gaabis gurmad ee dhanka Dowlada iyo Hey’adaha Samaflka, Garasho la’aan Siyaasiyiinta Degaanka iyo tabar darro Nidaamka Dowladeed ayaa isku biirsaday.

Inkastoo Safarka shaqo iyo kormeerka Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ay soo jeedin karto indhaha Beesha Caalamka, Hey’adaha Samaflka, Ganacsatada Iyo Shacbiga Soomaaliyeed, gargaarka la geeyay ayaa aad u hooseeya, Shacbiga Gobolka xiligaan adag ay u baahan yihiin Gurmad degdeg ah, iyadoo Maalmaha soo socda la filan karo Roobab iyo Daadad ka xoog badan kuwa ku habsaday Degmooyinka Gobolka.

288680cookie-checkGobolka Gedo oo Go’doon Siyaasadeed iyo Gargar la’aan Muddo la Halgamaaya..