Farmaajo Oo Dalka U Horseeday Qalalaase Iyo Burbur

Somalia news

Xildhibaanada Barlamaanka Oo maanta kulan ku lahaa xarunta Villa Hargeysa ayaa foodo kusoo dhamaatay kadib markii laba garab ay u kala jabeen Xildhibaanada, Halka Gudoomiyaha Barlamaanka uu Qol cidla ah oo Madaxtooyada ku yaal kaga dhawaaqay in Xilka laga Qaaday Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Mr.Kheyre…

Xogo la soo gaarsiyay Diinah.com news ayaa sheegaya in Kulanka maanta uu foodo Gacan hadal iyo buuq uu ku dhamaaday, iyadoo markii dambe Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sheegay in Xildhibaanada golaha shacabka kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaare Kheyre.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in afduub ka dhacay xarunta golaha, waxa ayna sheegeen in sharci daro tahay kalsooni kala noqoshada Ra’isul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale, Waxaa la xaqiijiyay in Xalay Bangiga Dhexe Lacag badan kala Baxay Mr.Farmaajo iyadoona Lacagtaa lagu daabulay Gaadiid qafilan oo Madaxtooyada laga soo diray

Lacagtaan ayaa dhan 27-millions oo loogu tala galay in lagu maareeyo Xildhibaanada si ay u ridaan Xukuumada Kheyre.

50210cookie-checkFarmaajo Oo Dalka U Horseeday Qalalaase Iyo Burbur