Daraasad ay soo diyaarisay Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho ayey kaga digtay suurtagalnimada in la sumeeyo badda kadib markii ay aad u kordheen dhimashada nooc ka mid ah kalluunada laga helo badda Somalia, kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Dalka…
Daraasaddaan oo ay soo saartay Machadka Kalluumeysiga iyo Cilmiga Badda ee jaamacadda City ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay maalmihi la soo dhaafay oo ay u kacsaneyd Xaalada badda, sidoo kalena ay sii kordhayeen dhimashada noocyo ka mid ah kaluunka oo aad loo isticmaalo, Malaayga loo yaqaano Qurumbow (pufferfish) ayaa badda banaanka keentay, iyadoo kalluunka lagu arkayay hareeraha xeebta isagoo ku soo cariyay.
Cilmi Baarayaasha Jaamacadda ayaa sidoo kale uga digay cunista kalluunkan iyadoo sheegtay in laga qabo casi ah in la sumeyay, Soo helitaanka kalluunka dhintay ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jirto cabsi laga qabo kadib markii uu quusay markab ay ku jireen dhowr tan oo kiimiko xilli uu marayay biyaha magaalada Colombo ee caasimadda Sri Lanka.