Xoogaga Amaanka Oo Howlgal ku soo Qabtay Gacan-ku-dhiigle Dil ka Geystay Degmada Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay howlgal ku soo qabteen Gacan ku Dhiigle dil ka geystay gudaha magaalada kadib saacado kooban oo baaris iyo Howl ay fuliyeen Boliiska, iyadoo Bilihii u dambeeyay xaalada Amaan ee Magaalada laga deyriyay..

Wararka ayaa sheegaya in Boliiska ay gacanta ku soo dhigeen Eedaysane Cabdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka Marxuum Cabdixakiin Fiqi kaasoo xalay lagu dilay Magaalada Garoowe, Wararka ayaa sheegay in Marxuumka la dilay ee Cabdixakiin Fiqi uu ka tirsanaa Ciidamada Boliiska Gobolka Nugaal balse faahfaahin dheeri ah kama bixin dhacdadaasi.

Inkastoo Wararka qaarkood ay sheegeen in Ehelada Eedeysanaha ay qeyb weyn ka qaateen sidii loo soo qaban lahaa Gacan ku dhiiglaha taasoo u sahashay Xoogaga Amaanka iney xabsiga dhigaan Eedeysanaha, kaasoo lagu wado in maalmaha soo socda la hor geeyo Maxkamada.

319590cookie-checkXoogaga Amaanka Oo Howlgal ku soo Qabtay Gacan-ku-dhiigle Dil ka Geystay Degmada Garoowe..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *