Danjiraha Somalia ee Dalka Turkiga oo is casilay + Sababta ka Dambeysa..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliq u fadhiyay dalkaasi, Mr.Jaamac Caydiid Maxamed uu maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay kadib qoraal uu soo saaray..

Danjiraha qoraal uu soo dhigay Bartiisa X ayuu ku qoray:-

Danjire Ceydiid oo deegaan ahaan ka soo jeedo Sool ayaa ka mid Musharaxiinta isku taagay Xilka Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland, maadaama la filayo in todobaadkan ay dhacdo doorashada madaxtooyada oo ay si weyn loogu loolami doono.

Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay Madaxweynahya Somalia iyo Shaqaalaha Safaaradda oo ay soo wada shaqeynayeen muddo ka badan 6 sano, “Waxaan u mahadcelinayaa Xasan Sheekh Maxamuud, bahda MFA Somalia iyo Diblomaasiyiyiintii 6.5 sanadood igala shaqeynayay Somalida Turkey” ayuu raaciyay.

299020cookie-checkDanjiraha Somalia ee Dalka Turkiga oo is casilay + Sababta ka Dambeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com