Dood Adag ayaa ka Dhalatay Xisaab-Xirkii Miisaaniyada Dowladda ee 2022 iyo Xildhibaanno..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Fadhigii 2-da Aqal ee Baarlamaanka Federaala ee maanta oo la sheegaya in Dood adag ay ka dhalatay Xisaab xirkii dowladda ee sanadkii 2022 ee ka horgeeyay, iyo iyo akhrinta 1-aad ee Xeerka Qoondaha Miisaaniyadda 2024-ka, waxaana Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ay ka doodeen xisaab xirka sanadka 2022-ka taasoo noqoneysa midii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 2017, iyadoo Fadhiga ay saameysay kala qeybsananta Xildhibaanada…

Iyadoo dhamaan Xildhibaannadii fadhiga ka hadlay ay dood ka keeneen qaabka loo diyaariyay xisaab-xirka, Waxaana la sheegay in Xildhibaanno ka kooban 152 Mudane Golaha Shacabka ah iyo 13 Mudane oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya, ay Guddoonka u soo gudbiyen mooshin wax ka bedelka Miisaaniyada 2024-ka waxaana lagu wareejiyay Guddiga Odoroska Maaliyadda ee Labada Aqal, iyagoo sheegay inaysan faahfaahsaneyn oo aan lagu tilmaami karin xisaabxir, waxeyna dalbadan inay helaan warbixintii Hanti dhowrka guud iyo xisaabxir kharasheed faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sida Miisaaniyadda loo isticmaalay.

Xikdhibaanada ayaa dood ka keenay habka loo mamulo Mashaariicda, sida lagu bixiyo kharashaadka Dowlada iyo in Wasaaradda Maaliyadda aysan keenin tafaasiil lagu hubin karo miisaaniyaddii la ansixiyay sanadkii hore 2022, iyadoo ay ka muuqatay inay laba garab kala taageersan yihiin oo qaar difaacayaan Maamulkii Farmaajo, halka qaar kale ay ka horjeedeen oo difaacayaan Maamulka Xasan Gurgurte.

291540cookie-checkDood Adag ayaa ka Dhalatay Xisaab-Xirkii Miisaaniyada Dowladda ee 2022 iyo Xildhibaanno..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com