Maxaa Hortaagan In La La Xisaabtamo Shirkadda Maamusha Dekada Mogadishu

Somalia news

Dekeda Muqdisho waxaa Shirkadda Al Beyrak lagu wareejiyay 21 September 2014, waxaa bilo kadib u buuxsami doonaTodobo sano, iyadoo Dowladda Federaalka ay kula heshiisay muddo 20-sano iney maamusho Guud ahaan Dhakhliga iyo dhaqdhaqaaqa dejinta iyo rarida Badeecadaha kala duwan…

Waxaana loo qeybsadaa sidan 55% Dowlada Federaalka iyo Shirkadda Al/Beyrak oo leh 45%, Heshiiska wuxuu xaq u siinayaa Shirkadda Turkiga maamulida, casriyeynta iyo ballaarinta Dekeda, waxaana dib ugu eegeynaa waxa ay ka qabatay 6-dii sano ay maamuleysay Dekeda Mogadishu, iyadoo wax weyn oo ay ku soo kordhisay aysan muuqan, haddii ay tahay ballaarin, carro bixin iyo qalabka dejinta oo aad loogu baahi qabo.

Warar ayaa sheegaya in Tag-Boat oo loogu tala galay inay Maraakiibta soo jiidaan oo ay dowladda Jabuuti horay ugu deeqday Dowladda Somalia ay fadhisteen (howlgal sabab dayactir La’aan).

Qalabka dejinta Maraakiibta sida wiishashka iyo Forklift ayaa dhibaatooyin lagu qabaa, waxa kaliya shaqeeya wiishash dowladda Qatar ugu deeqday Somalia, halka laga rabay Al Beyrak inay qalab cusub la timaado Dekeda.

Mudadii lixda sano ee Al Beyrak maamuleysay Dekeda waxaa lagu soo kordhiyay waa Darbi lagu wareejiyay xeyndaabka Dekeda, taasoo qarashkeeda ay bixisay dowladda Somalia, Dhibaato kala duwan ayay shaqaalaha Soomaalida ku qabaan, haddii ay tahay dhinaca xuquuqda xaga Mushaarka, caafimaadka iyo fasaxa Maamulka Shirkadda Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa lagu Eedeeyay iney ka gaabiyeen iney la xisaabtamaan Maamulka Shirkadda.

126080cookie-checkMaxaa Hortaagan In La La Xisaabtamo Shirkadda Maamusha Dekada Mogadishu