Qeylo Dhaan ay Soo Saareen Waalidiin Caruur Laga Xiray

Somalia news

Waxaa qeylo dhaan iyo cabasho soo saaray Waalidiinta iyo Ehelada Dhalinyaro muddo 13 bilood ah la la’yahay, waxeyna ka dalbadeen Dowlada Federaalka in raq iyo ruux meel loogu sheego dhalinyarada ay dhaleen…

Wararka ayaa sheegaya in Dhalinyaradaan oo ah labo wiil ayaa ka shaqeynayay waxsoo saarka beeraha Degmada Afgooye ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ka afduubteen beerahooda, isla markaasna aan wax war laga heynin xaaladooda.

Waalidiinta iyo ehelada dhalinyaradan ayaa ugu baaqay masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka in hadii wiilashooda ay u xiran yihiin laamaha Garsoorka Cadaaladda la marsiiyo hadii kalena geeri iyo nolol meel loogu sheego.

Waxa ay sheegeen in aysan xaq iyo cadaalad ahayn xirnaanshiyaha labadan dhalinyaro maadaama ay tiir adag u ahaayeen qoysaskooda ayna dhaleen caruur yaryar waxaana ay cod dheer ugu baaqeen dowladda in xoriyadooda dib loogu soo celiyo wiilashooda.

127350cookie-checkQeylo Dhaan ay Soo Saareen Waalidiin Caruur Laga Xiray