Kenya & Somalia Oo Ka Hadlay Dacwada Maxkamada Aduunka

Somalia news

Dowladda Kenya ayaa la sheegay iney war ka soo saartay Dacwada taala Maxkamada Caalamka (ICJ), iyagoo sheegay inuu dhul kaga maqan yahay Somalia, waxeyna codsadeen in mar kale dib loo dhigo Dacwada kala dhaxeysa Somalia….

Sida laga soo xigtay Wargeysyada Dalkaasi, Waxaa Dowladda Kenya ay Qoraal codsi cusub u direen Maxkamada ICJ, iyagoo ka codsanaaya in dib loo dhigo qaadista Dacwada kiiska Badda, waxeyna sabab uga dhigeen ineysan xiligaan Dowlad sharci ah ka jirin Somalia, iyagoo intaasi raaciyay inuu dhul ay leeyihiin kaga maqan yahay Dhanka xuduuda Somalia.

Dowladda Somalia ayaa qoraal jawaab ah u dirtay Maxkamada ICJ waxeyna ganafka ku dhufteen in dib loo dhigo, iyagoo sheegay in 4-mar oo hore dib loo dhigay xiligaan loo baahan yahay in dib loo bilaabo Dacwada Kiiska Badda, Iyadoo Dowladda Kenya ay dooneyso iney xeebaha Jubada hoose ay xoog ku qaadato.

94060cookie-checkKenya & Somalia Oo Ka Hadlay Dacwada Maxkamada Aduunka