Guddiga Doorashada Oo Soo Saaray Hab-raaca

Somalia news

Guddiyada Doorashada ayaa soo saaray Hab-raaco ugu horeeyay kaasoo ah is-faham waxba lagu dari karo ama laga bedeli karo wuxuuna qornaa sidaan:-

Habraacyada Doorashada
Baarlamaanka Jamhuuriyada
Federaalk a Soomaaliya
02/07/2021Ka kooban:

  1. Odayaasha Dhaqanka
  2. Wakiilada Bulshada Rayidka
  3. Ergada Doorashada
  4. Musharaxiinta
  5. Doorashada Golaha Shacabka
  6. Doorashada Aqalka Sare1. Odayaasha Dhaqanka
    • Oday dhaqameedyada waxaa laga soo xulaya odayaashii
    dhaqanka ee 135 soo xulay baarlamaankii 10aad sanadka 2016
    iyo odayaasha dhaqanka jufooyinka isla leh kursiga ama
    bedelkooda
    • Odayaasha dhaqanka waa inay ka diiwaangashan yihiin
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha heer Federaal ama heer Dowlad
    Goboleed.
    • Odayaasha kuraasta beelahooda kala yaalaan deegaan
    doorashooyin kala duwan waxa soo xulaya ergooyinka kuraasta
    odayaasha ka diiwaangashan deegaan doorashada kursigu yaalo.Waa Socda…
    • Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu ku
    dhawaqayayaa waqtiga la dhammaystirayo dhammaan habraacyada
    la xiriira doorashada
    • Qaabka xulista odayaasha dhaqanka, wakiilada bulshada rayidka iyo
    Ergada doorashada waa inuu noqdaa mid hufan, kana madaxbanaan
    musuqmaasuq iyo maamul xumo.Shuruudaha Odayaasha Dhaqanka
    a) Waa in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka tirsan beesha/jufooyinka kursiga
    isla leh;
    b) Waa in uu yahay qof miyirkiisu dhanyahay, qaban kara waajibka laga doonayo;
    c) Waa in da’diisu aysan ka yarayn 30 sano;
    d) Waa in uusan noqon musharrax u taagan labada aqal ee baarlamaanka;
    e) Waa inuusan xiriir la lahayn argagaxisada;
    f) Waa inuu yahay qof dhexdhexaad ah, sumcad wanaagsan ku leh bulshada
    dhexdeeda;
    g) Waa inuu ka diiwaangashan yahay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heer Federal
    ama Dowlad Goboleed;
    h) Waa in uusan ka tirsanayn ergada wax dooranaysa;
    i) Waa in uu leeyahay fahan wanaagsan ee mas’uuliyadaha doorashada;
    j) Waa in aan lagu xukumin dambi shantii sanadood ee la soo dhaafey;Waa Socda…
    • GMDDGXF ayaa xaqiijinaya in liisaska ergada doorashadu buuxiyay
    shuruudaha qabiilka iyo jufada, qoondada haweenka iyo dhalinyarada.
    • Haddii ay dhacdo in GMDDGXF go’aamiyo in shuruudaha kor ku xusan aan la
    buuxin, waa uu celinaya liiska.
    • Qofku wuxuu oday dhaqameed, wakiil bulsho rayid ama ergo u noqon karaa
    kaliya hal kursi.
    • Muwaadin kasta wuxuu xaq buuxa u leeyahay inuu u tartamo xildhibaanimada
    kursiga jufadiisa.
    • Dhammaan saamilayda doorashada waa inay u hogaansamaan xeerarka &
    anshaxa doorashada.Xulidda Ergooyinka Doorashada
    • Ergada Doorashada ee ka kooban 101-da ergo ee ka codeenaya DXDF waxaa
    soo xulaya duubabka, nabaddoonada ka iyo Bulshada rayidka ah oo ay
    hubisay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heer DXDF.
    • Sidoo kale ergada ka codeenaya Muqdisho waxaa soo xulaya duubabka,
    nabaddoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogolyahay, iyadoo uu hubin
    doono Xafiiska Raysul Wasaaraha.
    • DXDF waxay la hubinayaan duubabka dhaqanka iyo bulshada rayidka
    hannaanka soo xulista ergada si waafaqsan habraacyada hirgalinta
    doorashooyinka.
    • Sidoo kale, Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu la hubinayaa habraaca soo
    xulista ergooyinka Somaliland iyo Banaadiriga.Waa Socda…
    • Liiska ergada kursi kasta waa in ugu yaraan, ku jiraan 31 haween ah.
    • Xubnaha bulshada rayidka ee ka qayb qaadanaya xulista ergad waxay
    ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka,
    dhalinyarada (18-35 jir), dadka baahiyaha gaarka ah qaba, culimada,
    ganacsatada iyo aqoonyahanada ka soo jeeda jufada ama jufooyinka
    kursiga wadaaga.
    • Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xulitaanka ergada kama tirsanaan
    karto guddi xulis ergada kursi kale marka laga reebo jifooyinka
    wadaaga ergada.Waa Socda…
    • Xubin ka tirsan Xubnaha Xulitaanka Ergada ma noqon karo ergo ama murashax
    doorashada u tartama.
    • Xubnaha Xulitaanka Ergada waxay u soo xulayaan ergada doorshada si wadarogol ah si waafaqsan hab qaybsiga beesha.
    • Kooramka codbixinta ergada wuxuu ansax noqonaya marka ay joogaan ugu
    yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ergo ah.
    • Si loo hubiyo hufnaanta amni iyo sugnaanta ergada, liiska ergada ee kursi kasta
    waxaa hubinaya guddi-hoosaadka amniga iyo arrimaha gudaha ee DXDF si looga
    hortago faragalinta argagixisada iyo xasilloonni darrada amni ee doorashada.
    • Sidoo kale, kuraasta Somaliland iyo Banaadiriga, waxaa hubinaya Xafiiska
    Ra’iisal Wasaaraha.2. Wakiilada Bulshada Rayidka
    Wakiilada bulshada rayidka waxay ka kala imaanayaan:
    ✓Dhalinyarada
    ✓Haweenka
    ✓Dadka baahiyaha gaarka ah qaba
    ✓Culimada
    ✓Ganacsatada iyo aqoonyahanada
    • Xubnaha xulista ergada kama tirsanaan karaan guddi xulis ergada kursi kale, marka laga
    reebo jufooyinka ergada wadaaga.
    • Guddiga Xulista Ergada kursi waliba waxaa uu yeelanayaa xubno oo ka socda bulshada
    rayidka ah.
    • Xubnaha xulitaanka ergada waxay usoo xulayaan si wadar ogol ah oo waafaqsan
    habqaybsiga beesha
    • Xubnaha bulshada rayidka matala waa in ugu yaraan xubin kamid ah haween noqoto.
    • Wakiilada Bulshada Rayidka waxaa soo xulaya GMDHDX waxana la hubinaya dowlad
    goboleedkaShuruudaha Wakiilada Bulshada Rayidka ee
    Guddiga Xulista Ergada
    • Inuu yahay muwaadin Soomaali ah;
    • Da’diisa/deeda 25 jir aan ka yarayn;
    • Ka tirsan jufooyinka kursiga wada leh;
    • Aan xiriir la lahayn argagaxisada;
    • In aanay maxkamad ku xukumin xukun ciqaabeed kama-dambays ah
    shantii sano ugu dambaysay;
    • Miyirkiisa dhan yahay;
    • Ka mid ahayn ergada doorashada & musharaxiinta labada aqal
    • Waa inuu ka mid yahay xubnaha u dhaqdhaaqa bulshada3. Ergada doorashada
    • Tirada ergada doorashada kursi kasta waa 101 xubnood oo laga soo xulay beesha ama
    jufooyinka isla leh kursiga, waxayna dooranayaan musharaxiinta u tartamaysa kuraasta
    Golaha Shacabka.
    • Liisaska ergada doorashada waxaa soo gudbinaya odayaasha dhaqanka iyo wakiillada bulshada
    rayidka, waxayna usoo gudbinayaan Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada
    Xubnaha ka ah Federaalka iyadoo la raacayo habraacyada, iyo waqti uu cayimay Guddiga
    Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.
    • Liiska ergada kursi kasta waa in ugu yaraan ku jiraan 31 haween ah & 20 dhallinyaro ah.
    • Liiska erga kasta waxaa loosoo gudbinaya oo xaqiijinaya Guddiga Maamulka
    Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, waxaana ku
    kormeeraya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.
    • Ergada waxaa ka reeban inay codkooda ku badashtaan dano shaqsiyeed ama mid
    dhaqaale; cidii lagu helana waxaa laga qaadaya tilaabo sharciga waafaqsan.Shuruudaha Ergada Doorashada
    a) Waa in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka tirsan beesha ama
    jufooyinka kursiga isla leh;
    b) Waa in uu yahay qof miyirkiisu dhan yahay uuna awood u leeyahay inuu
    codeeyo;
    c) Waa in da’diisu aysan ka yaraan 18 sano jir;
    d) Waa in uusan noqon musharrax u taagan labada aqal ee baarlamaanka
    midna;
    e) Waa in uu fahamsan yahay mas’uuliyada doorashada;
    f) Waa in uusan haynin xil-siyaasadeed
    g) Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn argagaxisada waxaana xaqiijinaya
    guddi hoosaadka amniga doorashada ee dowlad goboleedka
    h) Waa inuusan ku jirin guddiga xulista ergada4. Musharaxiinta
    ❑ Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Federaalka ayaa ku dhawaaqaya
    jadwalka lagu dhamaystirayo dhammaan arrimaha khuseeya
    musharaxiinta doorashada 2021.
    ❑ Musharaxiinta tartamaysa waa inay isu diiwangaliyaan si waafaqsan
    habraacyada u dagsan doorashada ee uu ansixiyay Guddiga Hirgelinta
    Doorashada ee Heer Federaal.
    ❑ Dhammaan musharaxiinta waa inay buuxiyaan araajida diiwaangalinta
    musharaxiinta ee uu soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer
    Federaal si ay murashaxiin u noqdaan
    ❑ Kuraasta loo qoondeeyay haweenka waxaa isu soo sharxi kara oo kaliya
    haweenkaShuruudaha Musharaxiinta
    Golaha Shacabka
  7. In uu yahay muwaadin Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed;
  8. Dhimirkiisu dhan yahay;
  9. Da’diisu ka yarayn 25 sano;
  10. Aan xuquuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti
    (5) sano ugu dambaysay;
  11. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u
    dhiganta;
  12. In uusan ka tirsanayn ama wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagaxisada
    ah;
  13. In uu haysto waraaqda dambi la’aanta ee hay’ada dambi baarista (CID)
    ee dalka.
  14. Inuu ka tirsanahay beesha ama jufada iska leh kursiga;Waa Socdaa…
  15. Inuu bixiyo lacagta diiwaangalinta musharaxnimada Golaha
    Shacabka oo ah: raga 10,000, haweenkana 5,000, kuna shubaa xisaabta
    bankiga ee Guddiga Doorashooyinka
  16. Inuu haysto shahaado dugsi sarre ama waaya aragnimo u dhiganta;
  17. Inuusan ka tirsanayn guddiyada doorashada labada heer & kan
    xallinta khilaafaadka, gudiga xulista ergada ama ergada wax
    dooranaysa;Shuruudaha Musharaxiinta
    Aqalka Sare
  18. In uu yahay muwaadin Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed;
  19. Dhimirkiisu dhan yahay
  20. Da’diisu ka yarayn 25 sano;
  21. Aan xuquuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shantii (5) sano ugu
    dambaysay;
  22. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta;
  23. In uusan ka tirsanayn ama wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagaxisada ah;
  24. In uu haysto waraaqda dambi la’aanta ee hay’ada dambi baarista (CID) ee dalka.
  25. Inuu bixiyo lacagta diiwaangalinta musharaxnimada Aqalka Sare oo ah raga 20,000
    doolar, haweenkana 10,000 lagu shubo xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashoyinka heer
    federal.
  26. Inuu haysto shahaado dugsi sarre ama waaya aragnimo u dhiganta;
    10.Inuusan ka tirsanayn guddiyada doorashada labada heer & kan khilaafaadka ama ergada
    wax dooranaysa;
    11.Inuu soo sharaxo madaxweynaha dowlad goboleedka;5. Doorashada Golaha Shacabka
    ee Baarlamaanka JFS.

Habraaca Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka
• Golaha Shacabka wuxuu ka kooban yahay 275 kursi si waafaqsan qodobka
64aad ee Dastuurka KMGka ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
• Xildhibaanada Golaha Shacabka ka mid noqonaya waxaa laga soo dooranaya
maamul goboleedyada & caasimada dalka si waafaqsan heshiiskii 17 Siteembar
2020.
• Kursi kasta wuxuu yeelanaya ergo doorasho gooni u ah oo gaaraysa 101 si
waafaqsan heshiiskii siyaasada ee dowlada federalka & maamul goboleedyada
17 Siteembar 2020 ay gaareen.
• Maamulaha goobta cod-bixinta marka uu hubiyo in wakiilada musharaxiinta iyo
ugu yaraan sedax meelood laba meel (2/3) ergada doorashada kursiga ay
goobjoog yihiin, wuxuu ku dhawaaqaya in codbixintu bilaabatay.
• Ergay kasta waxa la siinayaa warqadda codbixinta oo isla goobta lagu dhufanayo
shaabadda Guddiga doorashada.Waa Socdaa…
• Ergay kasta wuxuu galayaa qol yar oo loogu talagalay in warqada codeynta lagu
calaamadiyo.
• Ergayga wuxuu ka calaamadinayaa warqada cod-bixinta afar geesta bannaan
ee ku aadan magaca musharaxa uu codka siinayo asagoo isticmaalaya qalin
biiro oo uu siinayo hawlwadeenka goobta.
• Kadib wuxuu isku laabaya warqadii uu soo calaamadiyay wuxuuna ku ridayaa
sanduuqa loogu talo galay codbixinta.
• Markuu cod-bixiyuhu warqadiisa ku rido sanduuqa, wuxuu ku laabanayaa goobta
fadhiga ergada.
• Intaanu codka dhiiban, hadduu cod-bixiyuhu arko in warqada la siiyay aanay
dhamayn ama dhaawac qabto, waa inuu soo celiyo oo Maamulaha goobta siiyo
warqad fayow.Wareegyada Doorashada
✓Waxaa jiri kara ilaa sedax wareeg doorasho, hadii lagu kala bixi waayo
wareega koowaad & labaad.
✓Wareega koowaad waxaa guulaystay murashaxa hela 50% lagu daray hal cod
codadka tirada guud ee ergada joogta.
✓Hadii la waayo musharax wareega koowaad helay codad u dhigma 50% lagu
daray hal cod tirada codadka ergada joogta, labada musharax ugu cod batay
ayaa u gudbaya wareega labaad. Waxaana guulaysanaya musharaxa hela
cod hal dheeri ah.
✓Hadii laba murashax ama ka badan barbar dhac noqdaan waxay dhammaan
u wada gudbayaan wareega labaad.
✓Hadii wareega labaad la waayo musharax helay 50% lagu daray hal cod,
waxa wareega sedaxaad u gudbaya labada musharax ugu codka badan
wareega labaad, waxaana guulaysanaya murashaxa cod hal dheeri ah hela.

Natiijada Doorashada
• GMDHDX waxaa uu ku dhawaaqayaa natiijada goobta
marka ay xaqiijiyaan Guddiga Hirgalinta Doorashada ee
heer Federaal.
• GMDHDX wuxuu u gudbinaya GHDHF liiska musharaxiinta
ku guulaysatay xubinnimada Baarlamaanka Jamhuuriyada
Federaalka Soomaaliya si shahaadada xubinimada loo siiyo
loona dhaariyo.Cabashooyinka Goobta Cod-Bixinta
• Maamulaha goobta cod-bixintu waa inuu maareeyo cabashooyinka
iyo wixii muran ah ee ka dhasha hawlgalada goobta cod-bixinta ee
ku saabsan arimaha maamulka.
• Cabtaha haduusan ku qancin go’aanada Maamulaha goobta, waxaa
u furan inuu cabashadiisa u gudbisto guddiga xallinta khilaafadka ee
heer federal si waafaqsan habraaca xallinta khilaafaadka
doorashada.
• Kuraasta natiijadooda muranka ka jiro waxaa natiijadooda lagu
dhawaaqaya marka ay dhammaato muddada xallinta khilaafaadka.6. Doorashada Aqalka Sare ee
Baarlamaanka JFSSharciyadda Senatarada Aqalka Sare
• Sida uu qeexayo Dastuurka KMG qodobkiisa 72aad
xubnaha Aqalka Sare ugu badnaan waa 54 senatar.
• Xubnahaas waxaa laga soo kala dooranayaa Dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ee Soomaaliya.Tirada Kuraas Aqalka Sare ee DowladGoboleedyada
Tirada Kuraasta Aqalka Sare ee Dowladaha Xubnaha ka ah

Dowlada-Goboleedka Tirada Kuraasta Tirada Xillibaanda DowladGoboleedyada u codeynayo

1 Puntland 11 66
2 Jubaland 8 75
3 Galmudug 8 89
4 Koonfur Galbeed 8 95
5 Hirshabelle 8 99
Wadarta 43 424

Tirada Kuraasta

Tirada Odeyaasha-dhaqanka
& Xubnaha la doortey in ay u
codeyaan
6 Somaliland 11 46
Wadarta Guud 54 470Habraaca Magacaabista Mushaxiinta Aqalka Sare
ee Baarlamaanka JFS
✓Guddigu waxay la wadaagayaan codsi qoraal ah Madaxweynayaasha
DX-DF ka ah in ay soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu
yaraan labo musharax kursi kasta si waafaqsan shuruudaha
xubinimada Aqalka Sare.
✓Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada ayaa ugu yaraan 2
murashax u soo magacaabayo in ay ku tartamaan kursi kasta oo ka
mid ah kuraasta Aqalka Sare xubnaha u matalayo DowladGoboleedyada.Waa Socdaa…
✓Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada ayaa liis kusoo saaraya
magacaabista rasmiga ah ee murashaxiinta ku tartamaya dhammaan
kuraasta Aqalka Sare ee Dowlad-Goboleedka, iyagoo liiskaas loosoo
gudbinayo Guddiga Maamulka Doorashooyinka Qaranka ee Heer
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
✓Guddigu waxay qabanayaan waraaqaha magacaabista musharaxiinta
Aqalka Sare iyagoo ka hubinaya in murashiinta ay buuxiyeen
shuraadaha musharaxnimo ee Aqalka Sare iyo hubinta metelaada
haweenka ee ugu yaraan 30%.Doorka Guddiga Maamulka Doorashooyinka
HeerDowlad-Goboleed ee Aqalka Sare
Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-Goboleed marka loo
soo gudbiyo liiska musharaxiinta ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee
BJF waxay hubinayaan arrimaha soo socdo:

  1. In uu buuxiyey shuraadaha musharaxiinta Aqalka Sare BJF
  2. In uu bixiyay lacagta khidmadda ee diiwaan-gelinta musharaxiinta
    Aqalka Sare.
  3. Guddigu wuxuu siinayaa shahaadada musharaxnimo xubnaha soo
    buuxiyey shuruudahaDoorashada Xubnaha Aqalka Sare
    ➢Doorashada xubnaha Aqalka Sare waxay ka dhaceysaa Golayaasha
    Xeer-dejinta Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowaladda
    Federalka.
    ➢Guddoonka Golayaasha Xeer-dejinta Dowlad-Goboleedyada Xubnaha
    ka ah Dowaladda Federalka ayaa maamulaaya doorashada
    musharaxiinta Aqalka Sare ee Dowlad-Goboleedyada.
    ➢Kursi kasta oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare waxaa ku tartamaya
    ugu yaraan laba musharax.
    ➢Waxaa doorashada Aqalka Sare guuleysanaya musharaxa hela 50%+1
    cod.Waa Socda…
    ➢Hadii musharaxiinta tartameysa midkoodna ku guuleysan waayo
    50%+1, waxaa wareega labaad u gudbaya labada musharax ee ugu
    codbadan.
    ➢Wareega labaad waxaa guuleysanaya musharaxii ku guuleysta 50%+1.
    ➢Natiijada cod-bixinta Golayaasha Xeer-dejinta Dowlad-Goboleedyada
    ee doorashada Aqalka Sare waxaa ku dhawaaqaya Guddoomiyaha
    Golaha.Aqalka Sare- Somaliland
    ✓23 oday diiwaan-gashan waxay keenayaan min hal xubin (46)
    ✓46 Waxay u wada codaynayaan 11 kursi ee Aqalka Sare
    ✓Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee Heer Dowladaha
    Xubnaha ka ah DF & Siyaasinta Somaliland ayaa soo xulaya
    musharaxiinta u tartamaysa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka
    Federaalka Soomaaliya
    Waxa maamulka doorashada & ku dhawaaqida natiijada iska leh
    GMDHDX
    FG: Waa Qoraalkii koobaad oo laysla fahmo mahan kii ugu danbeeyay macnaha waxbaa laga badali karaa ama sidiisaa lagu ansixin karaa.
127320cookie-checkGuddiga Doorashada Oo Soo Saaray Hab-raaca