Maxey Ku Heshiiyeen Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Somalia news

Kadib markii Kulan muddo 3-maalmood ah ay ku yeesheen Magaalada Dhuusa mareeb Hogaamiyeyaasha Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ayeey ku gaareen Heshiis, waxeyna soo saareen War-murtiyeed….

Sida ku cad War murtiyeedka waxey isku raaceen in Doorashada soo aadan ay wakhtigeeda ku dhacdo, balse waxey magacaabeen guddi ka soo tala bixiya nooca Doorashada, guddigaan Oo noqon doona mid isku dhaf ah, ayaa la faray iney muddo 2-todobaad ah gudahood ku soo saaraan Talada.

War-murtiyeedka ayaa u muuqda mid waji gabay looga badbaadinaayo shirka, maadama aysan Madaxdu aysan heshiis rasmi ah ka gaarin nooca Doorashada aheydna Ajandaha ugu muhiimsan shirkaasi. Doorashada 2020/21 ayaa qorshuhu ahaa in la qabto doorsho qof iyo cod balse Maamulka Farmaajo ayaa ka gaabiyay iney hirgeli so halbeegyadii muhiimka u ahaa, waxeyna dhalisay in shaki la geliyo in doorsho la qabto.

Amni la’aan Shuruucda iyo Dastuurka Oo aan la dhameystirin sido kale degaano badan oo aan Weli laga xoreynin Kooxda Shabaabka, Dhaqaale badan oo aan jirin ayaa ka mid ah caqabadaha laga doonayay in Maamulka Villa Somalia hirgeliyaan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in taag taaggii ku kala dhex jiray dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleeyada uu meesha ka baxay, isagoo sheegay in la joogo xilligii Midnimada, waxaana uu uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo oo muujiyay dulqaad iyo odaynimo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in wajiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb la isugu imaan doono 15 bisha Agosto.

49620cookie-checkMaxey Ku Heshiiyeen Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada