Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya Arday ka soo jeeda Degaanada Puntland oo Dabley ilaalo ka ahaa Albaabka Jaamaca Camuud ee Duleedka Magaalada Boorame Ee Gobolka u geystay dil bareer ah, kadib markii uu muran soo kala dhex galay…
Ardayga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo baranaayay maadada Engineering-ka isla markaasna ku jiray sanadkiisii 2-aad, waxaana la sheegay inuu falka dilka ah ku yimid kadib markii ay murmeen Askariga, iyadoo la sheegay in Askarigaan iyo Marxuumka ay ka soo wada jeedaan degaanada Sanaag bari.
Maamulka Jaamcada iyo kan Gobolka ayaa ka tacsiyadeeyay Falka Dilka loogu geystay Ardayga, waxeyna beeniyeen warar Baraha Bulshada lagu faafiyay oo ahaa in lagu dilay inuu watay dhar ku cardigan Calanka Soomaaliyeed, waxaan Maanta la joojiyay Dhamaan duruurstii ardayda tacsida darteed, iyadoo la fasaxay ardaydii Jaamacada.