Dekeda Hobyo & Danaha is-diidan Oo Horumarka Magaalada Hortaagan

Somalia news

Inkastoo muddo dadaal xoogan ay wadeen Ganacsato reer Galmudug oo ku midaysan shirkadda Hobyo Port and Development, una istaageen dhismaha deked dhameystiran,  ayaa waxaa soo shaac baxaaya culeysyo k aad la duwan oo ka yimid dhanka Kooxaha Shababka, Ahlusunna iyo Maamulka Puntland oo isku baheystay Joojinta Qorshaha Dhismaha…

Kooxahaan, ayaa bilihii ugu dambeeyay waday qorshayal xoogan oo lidi ku ah amniga iyo horumarka dekada Hobyo ee Galmudug, waxayna billaabeen abaabul Maleeshiyaad si loo carqaladeeyo Dhismaha Dekeda, Maamulka Puntland ayaa muddo fog ka soo hor jeedday dhismaha Hobyo, waxeyna u aragtaa hirgelinta mashruucaan mid dhibaato u horseedi kara Dekadaha Boosaaso & Garacad.

Halka kooxda Suufiyada ay muddo dheer gacan saar la laheyd Maamulka Puntland iyagoo taageero hub & rasaas ka heli jiray, waxeyna Si aan qarsoodi lahayn dhaawacyada Xoogagooda loogu daaweyn jiray isbitaalada Puntland, Marka la eego, colaadaha uu hurinayo, marka la soo hadal qaado hor-marinta Hobyo, waa loo qaateen in Shaakir fulinayo danaha kooxo gaar ah oo yoolkoodu yahay in xasilloonudu ka saahirto Galmudug, xasaradna ka aloosnaato Mudug iyo Galgaduud.

Dhanka Kooxda Argagixisada Shababka iyagu yoolkoodu wuxuu ku qotomaa sidii ay u qabsan lahaayeen ugu yaraan Dekada Hobyo, hadii ay hafadkaasi gaari waayaan waxaa Plan B u ah iney Baad ka qaadaan Ganacsatada shixnadaha kala soo dega Dekeda si ay ugu quudiyaan Maleeshiyaadkooda.

178050cookie-checkDekeda Hobyo & Danaha is-diidan Oo Horumarka Magaalada Hortaagan