Khilaaf Ka Taagan Masaajid Ku Yaal Magaalada Amsterdam

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Khilaaf in muddo ah soo jiitamayay una dhexeeya Guddi Soomaali ah oo maamula masjidul Quba, oo ah masjid Soomaalidu maamusho oo ku yaal Magaalada Amsterdam ee Dalka Nederland ayaa weli xal laga gaari la’ yahay…

Khilaafkani wuxuu bannaanka u soo baxay markii Imamka Masjid Quba Sheekh Suldaan uu ka saaray KVK-ga Xubin (C/risaaq) ka mid ahaa guddiga, taasoo sababtay in xubno kale oo guddiga ka mid ah, kana caraysan tillaabada Wadaaduku qaadayay in iyagana Sheekha Suldaan ka saaraan KVK-ga, waxaanna khilaafku lugaha la soo galay marxalad cusub, iyadoo maalin ba maalinta ka dambaysa la soo warinayay in xaaladu ka sii darayso.

Inkastoo howlihii masjidku si caadi ah u socdaan, xubnaha guddiga ee uu khilaafku ka dhexeeyo-na ay dhinac kasta howsheeda si caadi ah u gudaneyso, haddana waxaa muuqda walaac ay qabaan qaar ka mid ah dadka bixiya qidmada masjidka lagu caawiyo iyo kuwa ku jira qaybta caymiska oo ay doonaya su’aalo badan oo ay qabaan in jawaabo u helaan.

Khilaafku wuxuu u dhexeeyaa iimaamka masjidka Wadaadka Imaanka ah oo dhinac ah & 6 xubnood oo ka tirsan Guddiga & Maamulka masjidka oo dhinaca kale ah, waxaanna ku soo baxay guddi ka mid ah waxgaradka Soomaalida, iyadoo 2-da dhinac ay u madax dhiibteen.

139360cookie-checkKhilaaf Ka Taagan Masaajid Ku Yaal Magaalada Amsterdam