Abaabul & Xiisado Colaadeed Oo ka Taagan Magaalada Jowhar

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa ababuul maleeshiyaad oo ay Saacadihii la soo dhaafay ka wadeen duleedka magaalada Jowhar Koox ku hubeysan gaadiid dagaal iyo hubkooda, waxaana la sheegay iney ka soo horjeedaan qabashada doorashada 2 kursi oo degaan doorashadoodu tahay Jowhar…

Wararka ayaa sheegay in Kuraasta muranka ka taagan yahay ayaa waxaa ku fadhiya Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow, iyadoo guddiga doorashada Hir-shabeelle ay dib u dhigeen doorashada kuraastaasi.

Maleeshiyaadkaan gaaray Jowhar waxaa ka horreeyay ciidan iyo gaadiid dagaal oo iyagana ku doodayay in la qabto doorashada kuraastaas, waxaana muuqato in Magaalada Jowhar wajaheyso xiisado colaadeed, iyadoo kicinta xiisadaan ay saameyn ku leeyihiin Villa Somalia dhaqaalene & rasaas ku bixisay.

166940cookie-checkAbaabul & Xiisado Colaadeed Oo ka Taagan Magaalada Jowhar