UN-ka oo dib u Dhigay Ka Bixitaanka. Ciidamada ATMIS ee ka Howlgala Somalia..

Africa News Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa sheegaya in kulan wada taahi ah oo ay yeesheen Golaha Amaanka ee QM ayeey cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen qaraar lix bilood ah oo lagu kordhinayo ilaa bisha December ee soo socota xilliga hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS)….

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa sheegay in muddadaas lixda bilood ah lagu taageerayo diyaarinta qorshaha Dawlada Federaalka ee wejiga 2-aad iyo dhimista Ciidamada hawlgalka ATMIS, waxeyna ugu baaqeen Dowlada inay sii wado la shaqeynta Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo la-hawlgalayaasha kale, si ay si tartiib tartiib ah ugala wareegaan Mas’uuliyada amniga ATMIS.

Goluhu wuxuu ka codsaday Dowladda Federaalka iyo AU-da inay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah ugu dambeyn 31ka Agoosto, si loo qiimeeyo wejiga koowaad ee dhimista ATMIS,  halka 15ka Sebtembar loo  diyaargaroobayo wejiga labaad iyo in Dowladda usoo bandhigto Golaha warbixin cusub 30ka Novembar, taasoo ku saabsan horumarka laga gaaray hirgelinta qaab dhismeedka amniga qaranka oo dib loo eegay.

263210cookie-checkUN-ka oo dib u Dhigay Ka Bixitaanka. Ciidamada ATMIS ee ka Howlgala Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com