Ma Dhabaa in Wada Hadaladii u Dhaxeeyay Madaxweynaha & Waxgaradka Beesha Xawaadle Fashil ku Dhamaaday..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in kulamo 4-saacadood qaatay oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka degaanka Maxaas, ayaa ku dhamaaday Fashil kadib markii la hordhigay 3-Qodob oo adag kuwaasoo ku adkaatay inuu aqbalo…

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoon Cabdi Gardheere oo ka mid ah waxgaradka beesha Xawaadle ayaa sheegay in seddax fadhi ay ku kala tageen Madaxweynaha, isla markaana uu ka diiday waxyaabihii ay kala hadleen.

https://fb.watch/mSyhXysOuC/

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegay in Waxgaradka Beesha Xawaadle ay ku xireen:-

-In xarunta dhexe ee Howlgalka laga dhigo Maxaa Ciidamada Mareykanka iyo Danab loo soo wareejiyo degaanka.

-In Saanad, Sahay iyo Hub si deg deg ah Maxaas loogu keeno.

-In Mashruuca Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Maxaas iyo mashaariicda kale si deg deg ah loogu bilaabo.

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu ka biyo diiday Qodobadaan, iyadoo uu maantau Kulan kale la qaadan doono kadibna waxaa lagu wadaa inuu u gudbo magaalada Aadan Yabaal halkaas oo kulamo kula yeelan doono Waxgaradka beesha uy kasoo jeedo iyo Talisyada Ciidamada Xooga Dalka.

275770cookie-checkMa Dhabaa in Wada Hadaladii u Dhaxeeyay Madaxweynaha & Waxgaradka Beesha Xawaadle Fashil ku Dhamaaday..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com