Ma Dhabaa in Shirkii Madaxda Gobolada Ee Garoowe Uu Baaqday

Somalia news

Dib u dhac ayaa ku yimid shirka wadajirka ay u iclaaamiyeen Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada in ay isugu tagaan Magaalada Garoowe 21-ka ilaa 23-ka September 2021 sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo ku dhaw kulanka, iyadoo kulankaasi loo soo wareejin doono Magaalada Mogadishu…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Sababta keentay baaqashada waxaa lagu sheegay in soo jeedin ka timid Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Qoor-Qoor & Rooble ayaa kawada hadlay sidii shirka loo ballaarin lahaa isla markaana uu u guddoomin lahaa Wasiirka Koowaad ee XFS si ay isaga xog-wareystaan Doorashooyinka qabsoomay, halka ay wax marayaan & welwelka Madaxda Dowlad-Goboleedyada ay ka qabaan in khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo uu saameeyo Doorashada.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Galmudug bilaabay dadaaladii waan waanta ee laga dhex waday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo xilligaas loo arkayay in aanu dhexdhexaad ahayn oo uu dhinac la safnaa.

141770cookie-checkMa Dhabaa in Shirkii Madaxda Gobolada Ee Garoowe Uu Baaqday