Xog: Warar Tilmaamaya in Doonayo ay Shababku ku diyaarsadeen Xeebaha Xaradheere

Somalia news

Warar hodhac ah ayaa tilmaamaya in Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka iyo Xaasaskooda lagu soo uruuriyay Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug kadib markii dib u dhacyo dagaal iyo guuldarooyin ah kala kulmeen degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgudud…

Wararka ayaa sheegay in Xeebta degaano ka tirsan Degmada Xaradheere ay diyaar ku yihiin tiro Doonyo ah oo qaarkood la soo kireystay, waxeyna qorsheynayaan iney ku baxsadaan, warar aan la xaqiijin ayaa shegaaya in Doonayhaan ay Maleesjiyaadka iyo Xasaskooda loo kala wado degaanada Buuraha Bari (Puntland) iyo xeebaha ku dhow Degmada Jamaame.

Dhanka kale Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in heshiis hoose ay wada gaareen Horjoogayaasha Shababka iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha reer Xaaji Saleyman, waxaana lagu heshiiyay in Mag ahaan loo siiyo Beesha 2-Million USA$ burburkii Ceelasha Baraagadaha iyo Dhismayaashii degaanadii duulaanka ay kooxdani ku qaaday.

214680cookie-checkXog: Warar Tilmaamaya in Doonayo ay Shababku ku diyaarsadeen Xeebaha Xaradheere
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com