Afgembiga Amuusan Ee Turkiga & Qatar U Maleegeen Somalia

Somalia news

Dhibaatooyinka Sida is daba jooga ah uga dhaceeyay Somalia bilooyinkii ugu dambeeyay waxey ahaayeen Inqilaab amusan oo ay soo abaabuleen Dowladaha Qatar & Turkiga, ujeedada ka dambeysa ayaa lagu sheegay in Kursiga lagu hayo Farmaajo..

Khubaro ku xeel dheer Arrimaha Gudaha Somalia ayaa sheegay in “ Muddo kordhintii sharci darrada aheyd, Isku daygii Shaqo joojintii Wasiirka 1-aad, Gabaad siinta Eedeysanaha Fahad Yasin markii Dowladda Djibouti dib ugu celisay Diyaaradii siday Fahad iyo u kireynta diyaaradda gaarka ah.

Dhamaan ficiladaan iyo kuwo kale waxey Dalka Somalia dib ugu celin karaan colaadaha Sokeeye, iyadoo uu Erdogan uu Hey’adaha Dowladdiisa amar ku siiyay iney dictator-ka (Farmaajo) u fududeeyaan sidii uu u caburin lahaa dad Kiiska, iyadoo Dhaqaalaha ku baxaaya ay balanqaaday Dowladda Dooxa.

Dalka Turkiga ayaa saameyn weyn ku leh dhinacyada Dhaqaalaha, Ciidamada iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Sida Dekada iyo Garoonka diyaaradaha, kadib doorashdii Farmaajo waxey Dalalka Turkiga iyo Qatar kordhiyeen Joogotaankooda iyo saameyntooda Siyaasada gudaha, iyagoo Tababaro u fidiyo Ciidamada wax u caburiya Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

142590cookie-checkAfgembiga Amuusan Ee Turkiga & Qatar U Maleegeen Somalia