Villa Somalia Oo Lagu Xayiray Tiro Odayaal Dhaqmeed ah

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fara gelin qaawan Oo Farmaajo uu ku sameeyay qabsoomida Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, si uu u burburiyo Heshiiska ay Wada gaareen Garabyada ay kala Hogaamiyaan Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed…

Wararka ayaa sheegaya in 8-Odayaal ah oo ka tirsan kuwa u xil saarnaa soo xulista kuna xareesnaa xerada Afisioni ayaa looga Yeeray Madaxtooyada, waxaana la sheegay in lagu wargeliyay ineysan ka bixi karin Xarunta Madaxtooyada, talaabadaan ayaa sababtay inuu dib u dhac ku yimaado Howlaha Doorashada.

Dhaqdhaqaaqyada Madaxtooyada ka socota ayaa la sheegay iney tahay fara gelin lagu hor istaagaayo hadal jeedinta Musharixiinta iyo gudo galka Doorashada, Farmaajo ayaa waxaa ku maray ineysan doorasho ka dhaceynin Somalia hadii uusan isaga maamuleynin, wuxuuna isku diyaariyay dagaal.

142620cookie-checkVilla Somalia Oo Lagu Xayiray Tiro Odayaal Dhaqmeed ah