Mashruuca BBI Ee Kenya Oo Laga Digay..

Uncategorized

Qodobada halista u ah Shacbiga Soomaaliyeed ee ku gobolada Waqooyiga-Bari ee Kenya ee Mashruuca BBI, taasoo qeexeysa Siyaasada Kenya ee mashruucani oo ah afti laga soo uruuriyay dadweynaha oo la doonaayo in lagu bedelo Dastuurka.

Isbedeladaan ku xusan mashruucaan waxaa ka mid ah in la sameeyay Jagada Wasiirka 1-aad iyo tirada Barlamaanka oo la dhimaayo, iyadoo Hogaamiyayaasha talada haya iyo Kooxaha Mucaaradka ayaa aad ugu kala qeybsan mashruuca BBI gaar ahaan Hey’addaha Fulinta iyo Xeer dejinta.

Soomaalida oo ka mid ah Qowmiyadaha ugu Dadka badan ayaa siyaasiyiintooda iyo aqoonyahannada ay ku mideysan yihiin argtidooda, kana soo horjeeeda Mashruucaan wallow ay jiraan tiro yar oo taageersan.
Waxeyna welwel ka muujiyeen qodobo halis ku ah oo ay gebi ahaan diidan yihiin.

Waxaana ka mid ah :-

-Awood qeybsiga sida dhaqaalaha.
-Kuraasta Xilalka oo lagu saleynaayo tirada Dadka.

Mr.Aadan Barre Ducaale oo ah Madaxa Xildhibaanada xisbiyada talada haya ayaa hormuud u ah Qeybta Soomaalida wuxuuna sheegay “ Uhuruu Kenyatta marka miiska la soo fariisto qowmiyadiisa ayuu wakiil ka yahay,
Mr.William Ruto Sidoo kale,Ralia Odinga Waa la mid, Aniga Soomaalda ayaa ku metelaa”.

“Dhaanto uu nin kale soo xirtay ma cayaaraayi, marka miiska la yimaado Gobol walba wuxuu leeyahay masaaliix gooni ah”.

14440cookie-checkMashruuca BBI Ee Kenya Oo Laga Digay..