Share the post "Khatarta & Faragelinta Dahsoon Ee Turkiga & Qatar Ku Hayaan Somalia"
Warbixino hordhac oo laga helay Kiiska murugsan Ee ku gedaaman Drones-ka Turkiga sida sharci darrada ah Dalka loo soo geliyay, ayaa tilmaamaya in khatar halis ah uu Dalku xiligaan cagaha la galay, kadib markii uu soo shaac baxay Turkiga uu doonaayo in Suuqa Drones-ka xaruntiisa ka dhigto Magaalada Mogadishu…
Khabiir u dhuun daloola Siyaasada gudaha ayaa farta ku goday Arrimaha drones-ka ee suuq geynta Turkiga uu saameyn weyn ku yeelan doono Amniga gudaha, Boobka Doorashada iyo siyaasada Mustaqbalka, iyadoo aysan jirin cid u istaagtay iney khatartaasi ka hortagto.
Hadii aad si degan u dhuuxdo Warsiga Xildhibaan Zakariye, waxaana ku caddaanaya inuu jiro qorshe balaaran khatar ku ah jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo Wararka qaarkood ay sheegaya in Shixnadaan (6) Drones-ka la doonaayay in lagu afgambiyo Hogaanka Maamulka Puntland si Doorashada degaankaasi loogu shubto.
Wararka qaarkood ayaa sheegay in Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka Ee ku sugan Magaalada Mogadishu ay Digniino u jeediyeen Dhigooda Turkiga iyo Qatar iney si deg deg ah joojiyaan Mu’aamaraadka ay ka maleegayaan Arrimaha gudaha ee Somalia, waxaana la sheegay in Qorshaha Drones-ka Turkiga uu ku koobneyn Somalia Balse mustaqbalka dhow loo iib geyn doono Dalalka Ethiopia iyo Eritrea.