Ma Dhabaa In Gudoonyada Baarlamaanada Gobolada Loogu Baaqay Boobka Doorashada

Somalia news

Kulan qarsoodi ah shaki badan dhaliyay ayna soo qabanqaabiyeen Saraakiisha Villa Somalia ayaa lagu qabtay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Mogadishu Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaankii 10-aad, waxaana Kulankaasi Oo Qado-shaqo ahaa ka qeyb galay Gudoomiyayaasha Baarlaamanada Galmudug, Konfur galbeed & H/Shabelle…

Kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka gaar ahaan qabanqaabada Doorashooyinka Xildhibaanada, iyadoo looga dooday sidii iskaashi dhow iyo Wada shaqeyn u yeelan lahaayeen 3-da Gudoomiye Gobol iyo Villa Somalia Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Gudoonka hore ee Baarlamaanka 10-aad, iyo Baarlamaanada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Dhaqdhaqaaqan ayaa ku soo beegmay kadib markii 2-maalmood ka hor uu Adeege Fahad Yasin Dalka soo geliyay Dhaqaale badan oo loogu tala galay sidii loogu boobi lahaa Doorashada Xildhibaanada si dib loogu soo doorto Farmaajaha ku fashilmay 4-tii sano ee u dambeysay kana baxay balaanqaadyadii uu Sameeyay.

149490cookie-checkMa Dhabaa In Gudoonyada Baarlamaanada Gobolada Loogu Baaqay Boobka Doorashada