Qiimaha Raashinka & Shidaalka Oo Sare Uga Kacay Somalia

Somalia news

Guud ahaan Suuqyada Dalka ayaa la soo werinayaa in Saddexdii Toddobaad ee ugu dambeeyey waxaa cirka isku shareeray dhamaan qiimaha badeecooyinka Noocyada Raashinka, Shidaalka iyo Gaas-ka wax lagu karsado taasoo gabi ahaanba ciriiri galisay nolosha Shacbiga marka horeba aad iska liidatay…

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Maamulada Gobolada ayaa wax talaabo ah ka qaadin wax ka qabashada Xaalada Sicir bararka Ee Xarig goostay, iyadoo qiimaha suuqyada lagu kala siisto dhammaanba badeecooyinka aasaasiga ah ee quutal daruuriga ah sida Raashinta iyo waxyaabaha la xiriira, Arrintaan ayaa ciriiri gelisay xooggan galisay nolosha danyarta Soomaaliyeed kuwaasoo la tacaalaayay Amaan darro baahsan, dagaalo aan dhamaad laheyn iyo Maamul xumo Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada.

Wariye ka tirsan Warsidaha Diinah.com news oo u kuur galay xaaladda qiimo kaca iyo korodhka xad-dhaafka ah ee ku yimid maciishadda ayaa noo xaqiijiyey in ku dhawaad laba-laab ay kaceen ascaarta badeecooyinka kala duwan ee quutal daruuriga ah, kadib markii ay ganacsatada soo dhoofisaa muddooyinkii ugu dambeeyey si xawli leh u kordhinayeen qiimaha ascaarta badeecooyinka, Waxa sidoo kale kor u sii socda qiimaha shidaalka, halka ugu dambayn ay dhinacooda ganacsatada waaweyn ee dalka keenta gaasta cuntada lagu karsadaa ay ku dhawaaqeen qiimo koror laxaad leh oo halkii haan ee kali ah ay ku dareen wax ka badan 2$.

Muqdisho

Sonkor = $37.8
Bariis =  $ 26
Bur = $24.5
Baasto = $8.2
Saliid = $27.5

Sonkor = 43,9
Bur = $26
Baasto = $9.3
Saliid =  $28.5
Bariis = $ 23.5

Gaalkacayo
saliida   20 ltr =  $29
Bariiska 50kg = $31
Sonkor 50kg = $40
Burka 50kg = $29
Baasto 10kg = $9

Qiimaha raashinka Kismaayo
Bariis: 50kg = $26
Bur 50kg = $27
Sonkor 50kg = $39
Salia 20 litre = $26.5

150250cookie-checkQiimaha Raashinka & Shidaalka Oo Sare Uga Kacay Somalia