Qorqor Oo Cabsi Xoogan Ka Muujiyay Kooxo ku furay Abaabul Kacdoon oo Xilka Looga Qaadaayo

Somalia news

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qorqor ayaa wajahaya mowjado iyo culeysyo siyaasadeed oo uga imaanaya koox la magac baxday (Madasha Badbaada Galmudug), Xildhibaanno hore iyo qaar ka mid ah xubnihii hore uga baxay Golihiisa Wasiirrada, kuwaasoo xiligaan ku ah mucaarad xoogan…

Xogtaan ayaa sheegtay in Kooxahaan ayaa maalmahaan ku wajaan degaannada Galmudug,  gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado, waxaana magaalooyinkaas laga dareemayaa curashada dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo mucaarad ku Maamulka Qorqor.

Waxeyna eedeeyeen Qorqor gudasho la’aanta waajiaadkii loo igmaday iyo inuu ku fashilmay fulinta ballanqaadyadii arrimaha bulshada, Amniga, Horumarinta, la-dagaalanka Musuqmaasuqa, Doorashooyinka iyo dhamaan adeegyada Dowladaa ee lama huraanka u ah Shacabka Galmudug.

Qoorqoor, ayaa dhankiisa u yeertay (Dhagey iyo Dhag-dheer) Xildhibaannada heer Federaal ee saaxiibka la ah, si ay qeyb uga qaataan xal u helidda culeyska siyaasadeed so kordhay, waxaana durba Dhuusamareeb gaary Xildhibaanno ka mid ah kuwii uu kuraasta u xiray doorahsadii dhaweyd.

198800cookie-checkQorqor Oo Cabsi Xoogan Ka Muujiyay Kooxo ku furay Abaabul Kacdoon oo Xilka Looga Qaadaayo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com