Ma Dhabaa in Heshiis Hordhac ah ay Wada gaareen Xasan Sh. & Dani

Somalia news

Inkastoo Dadku ay ku kala aragti duwan yihiin meeqaamka soo dhaweynta loo sameeyey Madaxweynaha, ayaa haddana la qiri karaa in muhiimada ugu weyn ee la fidiyay ay aheyd inaan fursad loo siin Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Shacabka dhageysto, qeexo ujeedka safarkiisa, iyadoo uu Dalku ku jiro marxalad aad u adag oo bini’aadanimo, maadaama uu yahay Madaxweynihii dalka…

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa kulamo garnaqsi ah oo dheer la qaatay Madaxweynaha Puntland, inkastoo aysan jirin war faahfaahsan oo kulamadaas laga helay aan ka ahayn iney ahaayeen kuwo garnaqsi shakhsiyadeed u badan ee ka dhashey doorashadii Madaxweynaha, magacaabidii Ra’iisul wasaaraha, Dhismihii Xukuumadda, iyo mustaqbalka wada shaqeynta ee labada dhinac.

Ilo wareedyo (anonymous) ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka garaabay dooda iyo Garnaqsiga Saciid Deni, laakiin hadda wuxuu ku adkeeyay inuu ka doonaayo wada shaqeyn dhab ah, gaar ahaan shir Qaramada Midoobey Somalia u qabanayso bisha September 2022, kaasoo la doonaayo in Dowlad goboleedyadu ka soo qayb-galaan, sidii shirkaas u qabsoomi lahaa, looguna midoobi lahaa danta Dalka.

Wuxuu Xasan Sheekh si gaar ah uga dalbadey inuu (Dani) kala shaqeeyo arrinta Jubaland oo keeni karta khatar Nabadgelyada iyo Midnimada Jubaland iyo guud ahaan jiritaanka Dowladnimo ee Dalka oo aad u taabanaysa, wuxuuna ka digay in dariiqaasi ay qaadi karaan Maamulada kale (Muddo kororsiga).

Deni ayaa habeenkii xalay kulan la qaatey ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan iyo shir-guddoonka golaha wakiilada, waxaana uu kala tashadey dalalbka Madaxweyne Xasan ee ah in lagala shaqeeyo shirka Qaramada Midboobay, iyo guud ahaan xaaladda dalka, waxaana ay isku raaceen in lala shaqeeyo Madaxweyne Xasan oo dalka caqabadaha haysta laga wada saaro.

210270cookie-checkMa Dhabaa in Heshiis Hordhac ah ay Wada gaareen Xasan Sh. & Dani