Maxaa Shacbiga Gobolka Benaadir ka Hortaagan inuu helo Maamul ay soo Doortaan..

Somalia news

Inkastoo ay mudan tahay in la soo dhaweeyo Doorashada Degaanka ee Maamulka Puntland kaasoo guud ahaan Dalka u horseedi kara in laga gudbo Nidaamka Qabaliga ah ee xulashada Xildhibaanada laguna soo caano maalaayay 18-kii sano ee la soo dhaafay isla markaasna ay hareeyeen Musuqo iyo dhabar ka taabasho…

Maalintii shalay degaano ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Muwaadiniin safaf u galay si ay cododkooda u dhiibtaan doorashada degaanka, & Dadka ay doonayaan doortaan cida Hooggaamineeyso, Halka Maamulka Fashilka ah ee Wareegtada ku magacaaban ee Benaadir uu ku mashquulsan yahay sidii uu macaash uga raadin lahaa Gadiidka Bajaajta Saf loo geliyay A&B loogu calaamadeyn lahaa, iyadoo Shirkado lagu naasnuujiyay qorida Laba xaraf laguna qaato 36-US$. Shacbiga Gobolka ayaa isweydiinaays ma u baahantahay Duq magaalo fulin karo qorshayaal dhaafsan Bajaaj Calaamadeynta, Gacan ku fulinta Sharciga & Gowraca Lo’da.

Ku darsoo, 11-sano ka hor ayaa laga xoreeyay Degmooyinka Gobolka Benaadir Argagixisada Shababka, hadana waxaa aan weli laga xoreyn Maamul Wareegto lagu soo magacaabay oo ku tagri fala Awoodaha iyo Canshuurta Shacbiga laga qaado, Dadbadan ayaa isweydiinaaya Goormee Gole deegaan iyo Duqa Magaalda la dooran doonaa.

Maamulka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyaa inuu hortaagan yahay in Gobolka Benadir uu yeesho Gole degaan oo ay soo doortaan, wuxuuna ka door biday inuu Wareegto ku magacaabo Maamulka Gobolka kuwaasoo aan ka turjumeynin Rabitaanka Shacbiga Gobolka, isla markaasna ka gaabiyay inuu Daadadka iyo Qaahinka magaalada ka qaado kuna mashquulo safaro dalxiis inuu Magaalada uga baxo.

257760cookie-checkMaxaa Shacbiga Gobolka Benaadir ka Hortaagan inuu helo Maamul ay soo Doortaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com