Ethiopia Oo Tiro Shaqaale UN-ka La Xiray..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Jigjiga iyo Addis Ababa ayaa sheegaya in Magaalada Addis abeba lagu xiray qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada midoobay ee ku sugan gudaha dalkaasi, halka Magaalada Jigjiga la sheegay in la xiray Xarunta Tv-ga Nabadda..

Afhayeen u hadlay hay’adda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay xariga Shaqaalahaasi isagoo xusay in ugu yaraan 16 ka mida shaqaalaha Hay’adda Qaramada midoobay iyo qoysaskooda lagu xiray Addis Ababa.

Xariga Saraakiishaan ayaa kusoo hagaagaya xili uu sii xumaanayo xiriirka ka dhaxeeya Beesha Caalamka iyo Maamulka Abiy, isla markaan ay sii badanayso macluusha ka jirta waqooyiga Dalkaasi, iyo goobaha ay dagaaladu ka socdaan, halkaas oo ay adag tahay inuu gaaro gargaarkii loogu talagala, waxeyna QM ugu baaqday Maamulka iney si shuruud la’aan u soo daayaan Dadka la xiray.

Dhanka kale, Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa albaabada u laabtay xaruntii Telefishinka madaxa banaan ee Nabad tv ku lahaa magaalada Jigjiga, Madaxa Amaanka Mr.Maxamuud Sheekh Axmed, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Telefishinku baahiyey warar iyo warbixino ka hor imanaya bayaanka xaaladda deg deg ah ee dhawaan si guud loogu soo rogay Ethiopia.

Telefishinka ayaa waxaa hirgelisay Filsan Cabdilaahi oo horey u ahayd Wasiiradda haweenka iyo dhallaanka ee Ethiopia, wuxuuna xariga tvgu kusoo hagaagayaa xilli Dalku ay ka jirto xaalad amaan darro baahsan iyo isku dhex yaac. Horey ayuu Mr.Xagjar ugu hanjabay Dadka Degaanka ee Taageersan Mucaaradka Hubeysan iney Hantodooda kala wareegi doonaan.

150170cookie-checkEthiopia Oo Tiro Shaqaale UN-ka La Xiray..