Dalka Somalia Oo Gacaha la galay Burbur & Nidaamyo Is-Barbar Socda

Somalia news

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa 24-kii February 2021, 4-maalmood kadib markii xoog loo adeegsaday Madaxda Midowga Musharixiinta iney si nabad ah isu soo baxa ku soo bandhigaan Muddo kororsiga sharci darrada ah, ayeey Villa Somalia Baahisay nooca doorasho oo uu qorsheystay inuu Farmaajo qabto..

Ku dhowaad muran iyo xasarado Siyaasadeed qorsheysan qaatay muddo sanad ah kadib, Waxaa soo shaac baxaaya inuu hirgelaayo Qorshaha boobka ku dhisan ee Doorashada dadban, nuxurka isma bedelin ee wadada iyo Farsamada lagu gaarayay ayaa is bedelay iyo wakhtiga lagu heshiiyay in la lumiyo, iyadoo Safiirka USA iyo Wakiilka UN-ka ay raali ka yihiin Qorshaha Farmaajo.

Agartiyo ayaa tilmaamaya in Farmaajo & Rooble uusan dagaal ka dhaxeynin heshiisna ku ahaayeen in muddo sanad ah uu Wasiirka 1-aad la siiyo, Saansaanta muuqataa ayaa ah ineysan Dalkaan Xulusho ka dhaceynin, waxaan sugnaa waa Doorasho boob ah oo ay dhigtaan Maamulada Galmudug, K/Galbeed, Hir/Shabelle iyo Kooxda Waqooyiga ka soo shaqo tagtay, Doorashadaan ayaan qeyb ka noqon doonin Maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyagoo Midowga Musharixiinta kula midoobi doona Dowlad.

153790cookie-checkDalka Somalia Oo Gacaha la galay Burbur & Nidaamyo Is-Barbar Socda