Madbacadii Wasaarada Waxbarashada Puntland Oo Dhaqaale xumo loo xiray

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Madbacadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ahayd Waax u qaabilsan howlaha daabacaadda ayaa afartii (4) sano ee la soo dhaafay howlgab ahayd…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Madbacadda ay howlgab u noqotay dhaqaale & dayactir la’aan, iyadoo xitaa Shaqaalihii ka shaqeynaayay loo waayay gunooyinkii sanadihii ugu dambeeayay, sida ay sheegeen ilo loo qaateen ah.

Waxaa la sheegay in Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo xiligii uu Wasaarada Madax ka ahaa la hirgeliyay Madbacadda isla markaasna ay maalgeliyeen Midowga Yurub, markii ugu dambaysayna ahayd Waax muhiim ah oo shaqaale carbisan leh, wax soo saar dhaqaalena samaysa.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa qandaraaska daabacaadda Buugaagta Manhajka cusub siisay Madbacad gaar loo leeyahay, kaddibna qiimaha buugaagta ka dhigtay $55 doolar, taas oo sababtay cabasho xoogan oo ka timid Shacabka oo awalba la daalaadhacayay Abaarso, sicir-barar iyo dhaqaale la’aan.

207850cookie-checkMadbacadii Wasaarada Waxbarashada Puntland Oo Dhaqaale xumo loo xiray