Khilaaf Xoogan iyo muran ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay Gudoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta iyo inta badan Xubnaha Xiriirka uu ka kooban yahay, iyadoo uu Khilaafkaan horseeday in shaqo joojin lagu sameeyo Gudoomiyaha..
Xoghayaha xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed, (Yuusuf Muxyadin Axmed) oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in Cabdiqani Saciid Carab lagu soo eedeeyey 4-qodob oo kale ah:-
-Ku xad-gudubka awoodaha guddoomiyaha, kuwaas oo carqalad ku ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.
-Inuu ku guuldarreystay qodobo kasoo baxay shirkii xiriirka ee August, uuna is-hortaag ku sameeyey in la qabto horyaalka kubadda cagta Soomaaliyeed.
-Tuhun ku saabsan musuq-maasuq lagu sameeyey laba mashruuc oo FIFA ay ka fulineyso Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo ah xarumo farsamo.
-In la fuliyo dib-u-eegista dastuurka xiriirka kubadda cagta oo la go’aamiyey bishii August ee 2020.
Waxa uu sidoo kale sheegay in guddiga fulinta ay go’aamiyeen inuu xilka guddoomiyaha sii hayo guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiino”.