Ma Dhabaa In UAE Ay Ethiopia Culeys Ku Saartay In Xiriirka Farmaajo la soo Af jaro

Somalia news

5-tii sano ee u dambeysay Farmaajaha Fashilmay ayaa maamulka uu hormuudka u yahay wuxuu siyaasadiisa Amniga Arrimaha Dibada geedi fadhi uga dhigay Dalalka Ethiopia & Eritrea, taasoo laga dhaxlay Argti gaaban iyo Qas iyo Jahwareer…

Kadib dagaalkii lagu hoobtay ee Waqooyiga Ethiopia, Maamulka Abiy wuxuu isku dayayaa inuu dib u soo nooleeyo Siyaasadeed ku dhisneyd xiriirada gaarka ee sida siman ayna la leedahay Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada, waxeyna si rasmi ah martiqaad ugu fidisay laba ka mid ah Maamulada Gobolada iney booqdaan magaalada Addis abeba, xili uu Farmaajo ku sugan yahay magaalada wardoon ka ah inuu Xog ka helo Safarkii Rooble ee UAE.

Xaqiiqdii Madaxweynaha Xilka ka degaaya oo xiligaan Booqasho ku jooga magaalada Addis Abeba, ayaa maqaam ka hoose Maamuska Xilka uu ku fadhiyo lagu soo dhoweeyay, waxaana suurto gal ah in fariimo siyeesadeed culus uu Mr.Abiy ka soo qaaday kadib markii dhowaan socdaal ku tagay dalka Isku-tagga Imaaradka Carabta, oo saameyn xooggan ku leh siyaasadda geeska Afrika, isla-markaana uu Farmaajo kula jiray dagaal diblumaasiyaded shantii sano  ee la soo dhaafay.

Hayeeshee, sheekada hadal heynta abuurtay ee la xariirta safarka Farmaajo ee Addis ayaa ah in safarkiisa uu si weyn uga gadisnaa kuwii uu hore ku tagi jiray Addis ababa, ee loo sameyn jiray soo dhaweyntii mansabka iyo maamuuska sare lehayd.

Habka Farmaajo loogu soo dhaweeyay Bole Airport, ayeey dadka ka falcilyay ku tilmaameen inuu soo dhamaaday is-xulufeysigii geeska ee saddex xagalka ahaa, kaas oo sabab u ahaa in dhallinyaro Soomaaliyeed laga dagaal galiyo waqooyiga Ethiopia.

166280cookie-checkMa Dhabaa In UAE Ay Ethiopia Culeys Ku Saartay In Xiriirka Farmaajo la soo Af jaro