Sooyaalka Taarikheed ee Xiisadaha Gobolka Sool & Nabarada Dusha Laga Dhayaayay

Somalia news

Inkastoo Sanadkii 1993 Horgale Maxamed Cabdi Xaabsade iyo Garaad Cabdiqani ay hormuud u ahaayeen in Maamulka Gobolka Maamulka u gacan geliyaan Maamulka Hargeysa looguna loogu abaal guday inuu noqdo Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada…

Sanadkii 1997 waxaa khilaaf soo kala dhex galay Cigaal iyo Garaadka, khilaafkaasi wuxuu sababay in uu Xaabsade u goosto shirkii Aasaskii Puntland, 1998 markii lagu dhawaaqay Puntland, waxa uu Mr.Xaabsade ka mid noqday maamulkii halkaa laga dhisay Laascaanod na calankaas baa laga taagay.

Ayasn darrese, Bilowgii 2000-kii ayaa mar kale waxaa khilaaf soo kala dhex galay Xaabsade iyo Maamulka Puntland, Laascaanodna waxa ku xoogaystay dhawaaqyada Somaliland, lakiin ina Cigaal kor joog mooyee fara galin badan kumuu samayn, Sidaa kumay joogine 2007 ayaa siyaasiyiin waa way oo Xaabsade hor kacayaa ay soo galeen Somaliland, sidaas bay hadana Laascaanod dib ugu soo noqotay gacanta Somaliland.

Mr.Siilanyo wuxuu go’aansaday inuu Gobolka wax qabad iyo isku soo dhowaansho badan ka sameeyo., Wuxuu noqday Shaqsigii ugu horeeyay ee magaalada Laascaanod dhowr jeer u hoyda, wuxuuna Xaabsade u magacaabay Wasiirka Warfaafinta markii dambena Wasiirka Hawlaha guud, iyadoo dadaaladaadi ay soo dhex galeen dagaaladdii Kalshaale iyo Buuhoodle.

isku soo wada duube, Xaalka Gobolka Sool God dheer ku riday Siyaasad xumida Maamulka Muuse Biixi oo lagu tilmaamo Horjooge Macangeg ah oo aan qaamuuskiisa ku oolin Tanaasul isla markaasna dhibaatada ku xaliya adeegsiga xoog, taasoo horseeday inuu ku fashilmo Adeegsiga Xoogag aan weligood gelin dagaal isla markaasna ay itaal roonaadaan Dhalinyaro iska abaabushay magaalada Laas caanood.

244300cookie-checkSooyaalka Taarikheed ee Xiisadaha Gobolka Sool & Nabarada Dusha Laga Dhayaayay