Share the post "Wakiilada Beesha Caalamka Oo Lagu Eedeeyay Iney Qeyb Ka Yihiin Dhibaatada Somalia"
Tan iyo markii uu Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu talada Villa Somalia la wareegay, Waxaa soo shaac baxaayay in Xiriiro hoose oo dhaqaale ku dhisan uu la leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan UN-ka, Amisom iyo Danjirayaasha Shisheeyaha qaarkood kuwaasoo dhegaha ka fureystay dhibaatada uu Hogaanka Villa Somalia ka wado…
Ilo Wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Wakiilada UN-ka iyo Amisom aysan diyaar u aheyn iney u adeegaan una dhisan Siyaasad Dal balaaran oo dalka ku hagta degaano iyo Maamul daahfurnaan ku dhisan Oo ilaaliya Xuquuqda Muwaadinka iyo Shuruucda Dalka.
Xiisadahaan xiligaan taagan waxaa lagu soo gaaray Jilicsanaanta Mas’uuliyiinta UN-ka, Amisom iyo Danjirayaasha Shisheeyaha oo ku dhiiri geliyay In Farmaajo uu ku tunto Dastuurka iyo Sharciyada Dalka u degsan, Mas’uuliyiintaan ayaa saameyntoodii aan laga dareemin suurtagalnimada iney ku soo baxaan Khilaafka Hogaanka Dalka.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya In Eedeysane Fahad Yasin, Wasiirada Qorsheynta iyo Arrimaha Dibeda ay Kulan Qarsoodi ah kula qaateen Xarunta Xalane Madaxa Howlgalka Amisom, iyagoo gudoonsiyay Baqshad Lacago ku jiraan waxeyna ka codsadeen inuu taageero Go’aanka Farmaajo.
Xiligaan Adag Waxaa loo baahan yahay Hogaan isku haya Wakiilada Beesha Caalamka lehna aragti fog oo u adeegeysa Danaha Shacbiga Soomaaliyeed ee looma baahna Koox Waxqabadkoodu ku soo koobmay War-saxaafadeed.