Ciyaaraha Gobolada oo Dib Loo Qabanaayo & Xiliga oo la Shaaciyay…

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa qoraal ay wadajir u soo wada saareen Wasaarada Coyaaraha, Xiriirka Kubada Cagta iyo Xiriirada Ka dhisan Gobolada marka laga reebo Degaanada Puntland oo arrimo siyaasadeed uga maqan, waxaana lagu wadaa in Magaalada Mogadishu lagu qabto…

Wararka ayaa sheegay in kulankaasi lagu shaaciyey tirada kooxaha rasmiga ah ee tartanka ka qeyb galeysa, iyadoo ay kulankaasi kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud Gudoomiyaha Xiriirka Ser Kubbadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiino” iyo Gudoomiyaasha ciyaaraha maamul Goboleedyada.

Kulanka ayaa lagu shaaciyey in tartanka Kubbadda Cagta Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada si rasmi ah loo qabto 29-ka bishan oo ku beegan maalin jimco ah, waxaana tartanka lagu ciyaari doonaa magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan kooxaha metelaaya Banaadir, Hirshabelle,  Konfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.

Qabashada Tartankaan ayaa waxaa hareeyay Khilaaf gaar ahaan Maamulka Puntland oo muddo ku dhow 2-sano xiriirkii Dowlada Federaalka hoos u dhigtay iyo iyadoo khaatumo State oo la filayey iney ka qeyb gasho ay buuxin weyday shuruudihii tartanka sida ay sheegtay Wasaaradda Isboortiga.

293330cookie-checkCiyaaraha Gobolada oo Dib Loo Qabanaayo & Xiliga oo la Shaaciyay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com