Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhexay Qorqor Iyo Mascuud

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Ayaa u xaqiijiyay in Khilaaf Xoogan uu soo kala dhex galay Mr.Qorqor iyo Mr.Mascuud, Khilaafkaan ayaa salka ku haya xiisadaha labada beel u dhaxeeya, wuxuuna horseeday in Mr.Mascuud uu kala baxo Magaalada Dhuusa mareeb dhamaan Gadiidkii dagaalka iyo Ciidamadii Beesha Ceyr Ee ku sugnaa gudaha degmada Dhuusa mareeb…

Talaabadaan ayaa horseeday in Mr.Qorqor uu gurmad weydisto Mr.Farmaajo, kaasoo oggolaaday in Ciidamo gurmad ah (200-Askari) oo uu hogaaminaayo Horjooge Farxaan Qaroole saakay laba Duulimaad laga dejiyo Magaalada Dhuusa mareeb.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Xalay Kulan Ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug u dhaxeeyay Mr.Qorqor iyo Mascuud uu ku soo dhamaaday in lagu kala tago, kadib markii uu Mr.Ku amray Mr.Mascuud in Gadiidka dagaalka iyo Ciidamada Guutada ku wareejiyo Wasaarada Amniga Galmudug, taasoo uu ka biyo diiday, Mr.Mascuud ayaa ku Eedeeyay Mr.Qorqor inuu ka dambeeyo dagaalka ka dhacay degaanka Qalanqale iyo degaan kale, waxaa sidoo kale Is casilay Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Mr.Najiib Dhoore oo ka soo jeeda Beesha Ceyr.

Ciidamo Gurmad ah oo ka kala socda Beesha Qumis (Sacad iyo Saleyman) ayaa soo gaaray saakay aroortii Magaalada Dhuusa mareeb, iyagoo Magaalada laga dareemaayo cabsi dagaal oo u dhaxeysa Beelaha Ceyr oo dhinac ah iyo Sacad iyo Saleyman.

63080cookie-checkKhilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhexay Qorqor Iyo Mascuud